Jaamacadda Maryland ee carriga Maraykanka ayaa ogolaatay inay bixiso magdhow dhan $100,000 oo la siinayo qaban-qaabiyeyaasha ardayda taageersan Falastiin, kaddib markii si sharci-darro ah loo carqaladeeyay mudaaharaad ay ardaydu ku taageerayeen Qaza bishii Oktoobar 2024.
Dacwadan waxaa gudbiyay ururka University of Maryland Students for Justice in Palestine (UMD SJP), oo ay matalayeen kooxaha xuquuqda madaniga ah ee Palestine Legal iyo Council on American-Islamic Relations (CAIR). Waxaana la gudbiyay kadib markii maamulka Jaamacadda Maryland isku dayeen inay joojiyaan mudaaharaadka, iyagoo ku sababeeyay hanjabaado ay heleen Zionist-yo iyo Klu Klux Klan (KKK).
Sida ay sheegeen Palestine Legal, tani waa “ciqaabta dhaqaale ee ugu weyn ee abid lagu rido jaamacad Maraykan ah sababo la xiriira ku xadgudubka xuquuqda hadalka ee ardayda taageersan Falastiin.”
Daniela Colombi, oo ka mid ah qaban-qaabiyeyaasha hogaanka UMD SJP, ayaa tiri: “Guushan sharciyeed waxay xaqiijinaysaa ilaalinta xuquuqdayada ku aaddan mudaaharaadka iyo ka hadalka xasuuqa ay Maraykanka iyo Israa’iil ku hayaan dadka reer Falastiin — waana sii wadi doonaa isticmaalka xuquuqdaas.”
Waxay intaas ku dartay in “doolarka kasta ee $100,000 ee ciqaabta UMD ka bixineyso mamnuucista mudaaharaadka Qaza lagu taageerayo uu ku bixi doono abaabulka Falastiin xor ah iyo xorriyadda wadajirka ah.”
Shuruudaha heshiiska ayaa sidoo kale ku qasbaya jaamacadda inay si cad u aqoonsato UMD SJP inay tahay urur arday oo sharci ah. Tani waa mid muhiim ah maadaama jaamacado badan oo ku yaalla Maraykanka ay adeegsadeen xeelad ah inay xiriiri waayaan ururrada ardayda ee diiradda saaraya Falastiin si ay u adkeeyaan mudaaharaadkooda gudaha jaamacadaha.