Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay madaxda iyo shacabka Ghana kaddib shil diyaaradeed oo Arbacadii ka dhacay gobolka Ashanti ee koonfurta dalkaas, kaas oo sababay geerida wasiirro iyo saraakiil sare.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Jamhuuriyadda Ghana, iyadoo ka murugeysan khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaas oo ay ku dhinteen siddeed qof. Waxaa dadkaas ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Dr. Edward Omane Boamah, iyo Wasiirka Deegaanka, Sayniska iyo Teknolojiyadda, Dr. Ibrahim Murtala Muhammed.
Qoraalka ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay dareen tacsiyeed la wadaagto dhammaan dadka ay si toos ah u taabatay masiibadani, isla markaana ay garab taagan tahay shacabka Ghana xilligan murugada leh, iyadoo ku celisay ballan-qaadkeeda ku aaddan midnimo iyo naxariis.
Dhanka kale, Dowladda Ghana ayaa ku dhawaaqday in calanka dalkaasi hoos loo dhigay, halka Madaxweyne Mahama uu hakiyay dhammaan howlihiisii rasmiga ahaa si loo muujiyo murugada ka dhalatay dhacdadan.