TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga iyo Senegal oo kala saxiixday heshiisyo la xiriira gaashaandhigga, warbaahinta iyo tacliinta
Heshiisyadan cusub ayaa ah tillaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Turkiga iyo Senegal oo kala saxiixday heshiisyo la xiriira gaashaandhigga, warbaahinta iyo tacliinta
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Raysal Wasaaraha Senegal, Ousmane Sonko / TRT Balkan
6 saacadood ka hor

Dowladdaha Turkiga iyo Senegal ayaa Khamiistii kala saxiixday afar heshiis oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada gaashaandhigga, warbaahinta iyo waxbarashada.

Saxiixa heshiisyadan ayaa ka dambeeyay kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, iyo Raysal Wasaaraha Senegal, Ousmane Sonko, iyagoo ka dibna yeeshay kulan balaaran oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Ankara ayna ka qayb galeen wufuud ka socday labada dal.

Heshiisyadan cusub oo ku saabsan iskaashiga gaashaandhigga, warbaahinta, iyo waxbarashada ayaa ah tillaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Heshiisyada la saxiixay oo ujeeddadeedu tahay kobcinta iskaashiga labada dhinac ayaa waxaa ka mid ahaa Heshiiska Iskaashiga Maaliyadeed ee Milatariga iyo Qaybta Koowaad ee Heshiiska Kaalmada Lacagta, waxaana kala saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yasar Guler, iyo dhiggiisa Senegal, Jeneraal Birame Diop.

Sidoo kale, Heshiiska Iskaashiga Wax-soo-saarka Filimada, Maqalka, iyo Multimedia-ga ayaa waxaa kala saxiixay Wasiirka Ganacsiga Turkiga, Omer Bolat, iyo dhiggiisa Senegal, Yassine Fall.

Waxaa kaloo la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka Iskaashiga Tacliinta Sare ee 2025-2028, waxaana kala saxiixay Madaxa Golaha Waxbarashada Sare ee Turkiga (YÖK), Erol Ozvar, iyo Wasiirka Waxbarashada Sare ee Senegal, Yassine Fall.

Madaxweyne Erdoğan iyo Raysal Wasaare Sonko, ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, isla mar ahaantaana ay isku dhaafsan lahaayeen aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Heshiisyadan ayaa u gogol xaaraya mustaqbal cusub oo iskaashi iyo horumar ah oo u dhexeeya labada dal.

XIGASHO:AA
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us