4 saacadood ka hor
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktas, ayaa Khamiistii ku qaabilay safaaradda Turkiga ee Muqdisho Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Xasillinta iyo Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibrahima Diene.
Intii uu socday kulanka, labada diblomaasi waxay ka wada hadleen fursadaha lagu xoojinayo wadashaqeynta Turkiga iyo AUSSOM.
Safaaradda Turkiga ayaa bartooda X ku sheegtay inay ku faraxsan yihiin soo dhaweynta Danjire Diene, oo dhowaan loosoo magacaabay Muqdisho, ayna u rajeeyeen inuu ku guuleysto xilka loo igmaday.
Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dhinac siinayaan iskaashiga nabadda iyo xasilinta Soomaaliya.