Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa 9-ka Agoosto booqasho diblomaasiyadeed ku tagi doona dalka Masar, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-siisi, sida ay sheegeen ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo Turki ah.
Booqashadani waxay ku soo aadaysaa xilli ay labada dal xusayaan 100 sano guuradii ka soo wareegatay tan iyo markii la aas-aasay xiriirkooda diblomaasiyadeed.
Tani waa booqashadii labaad ee Fidan uu ku tago Qaahira sannadkan, isagoo hore uga qaybgalay shir ku saabsan Qaza oo ay qabteen Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta 23-kii Maarso.
Xiisadda Qaza oo mudnaan gaar ah leh
Wada-hadallada Qaahira ayaa diiradda lagu saari doonaa xiriirka laba geesoodka ah, horumarka gobolka, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal.
Waxaa la filayaa in xiisadda Qaza ay mudnaan sare ka qaadato ajendaha, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsan doonaan aragtiyaha ku saabsan wadahadallada xabbad joojinta ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa'iil, kuwaas oo ay dhexdhexaadinayaan Masar, Qadar, iyo Maraykanka.
Waxaa sidoo kale la iska kaashan doonaa sidii loo hubin lahaa in gargaarka bani’aadannimo uu si joogto ah u gaaro Qaza.
Wasiir Fidan ayaa la filayaa inuu xoogga saaro in tallaabooyinka Israa’iil ay wiiqayaan xalka labada dal, iyo in talaabooyinka ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ku doonayso in ay ku qabsato Qaza, ay yihiin caqabadaha ugu weyn ee hortaagan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Mudnaanaha Gobolka iyo Laba Geesoodka ah
Wada-hadallada ayaa sidoo kale taaban doona xaaladaha Liibiya, Suudaan, Soomaaliya, iyo qaybo kale oo ka mid ah Waqooyiga iyo Bariga Afrika iyo gobolka Sahel, iyagoo sahamin doona sida labada dal ay si wadajir ah uga qayb-qaadan karaan xasilloonida gobolka.
Xiriirka laba geesoodka ah ee Turkiga iyo Masar ayaa dardar cusub yeeshay sannadihii dambe, iyadoo la kordhiyay xiriirka iyo booqashooyinka ay isweydaarsanayaan labada dhinac.
Masar ayaa weli ah dalka ugu weyn qaaradda Afrika ee xiriir ganacsi kala dhexeeyo Turkiga, iyadoo ganacsigooda laba geesoodka ah uu gaaray $8.8 bilyan sannadkii 2024 , waxaana labada dhinac ay hiigsanayaan in ay tiradaas gaarsiiyaan $15 bilyan.
Shirka Golaha Iskaashiga Istaraatiijiyadeed ee heerka sare ah ayaa la qorsheeyay in la qabto sannadka 2026, iyadoo ay si wadajir ah u shir-guddoomin doonaan Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweyne Al-siisi.