Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah uu u dhaqan galay heshiis u ogolaanaya dadka haysta Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliya in ay fiiso la'aan ku geli karaan dalka Masar.
Tallaabadan oo muujinaysa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, ayaa waxa sidoo kale Safiirku soo dhaweeyay go’aankii sannadkii 2024 ay soo saartay dowladda Masar, kaas oo lagu shaaciyay in shirkadda diyaaradaha EgyptAir ay bilaabi doonto duulimaadyo ay toddobaadkii laba jeer ku timaaddo caasimadda Muqdisho, laga billaabo bisha Luulyo 2024.
Tallaabadan ayaa Danjiruhu sheegay in ay sare u qaadayso iskaashiga iyo wada-shaqaynta labada dal.
Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa horey u ammaanay Jamhuuriyadda Carabta ee Masar doorka ay ka qaadatay xorriyadda iyo difaaca qaranimada Soomaaliya, laga soo billaabo maalmihii halganka ilaa maanta.
Sidoo kale, wuxuu xusay in Masar ay si walaalnimo ah u garab taagan tahay Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah u boggaadiyey deeqaha waxbarasho ee joogtada ah ee ay siiso ardayda Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa bishii Abriil ee sannadkan 2025-ka, ansixiyay heshiis taariikhi ah oo lala galay dowladda Masar. Heshiiskan ayaa u oggolaanaya dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed ee labada dal inay si xor ah fiiso la'aan ugu safri karaan muddo gaareysa illaa 90 maalmood.
Heshiiskan oo si rasmi ah looga saxiixay magaalada Qaahira, ayaa waxaa si gaar ah loogu talagalay inuu fududeeyo is-dhaafsiga diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga labada dal. Xafladda saxiixa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Masar, Cabdulfattah El-Sisi, taasoo muujineysa muhiimadda weyn ee ay labada dal u leeyahay heshiiskan.
Wasiirkii arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ee xilligaasi, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, iyo dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa si rasmi ah u kala saxiixay heshiiska. Laba mas'uul ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay kor u qaadayso is-weydaarsiga siyaasadeed, dhaqaale, iyo dhaqan ee labada dhinac.
Heshiiskan waxaa loo arkaa inuu calaamad u yahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada dal ay sii wadaan wada-shaqaynta dhinacyada amniga gobolka, ganacsiga, iyo mashaariicda horumarineed.
Guushan diblomaasiyadeed ayaa la mid ah heshiis kale oo horey ay Soomaaliya ula gashay dalka Indoneesiya, kaas oo Khamiistii hore si rasmi ah loogu kala saxiixday magaalada Jakarta.
Heshiiskaas ayaa u ogolaanayey dadka haysta baasaboorka diblomaasiga iyo shaqaalaha dawladda in ay dalka Indoneesiya fiiso la'aan ku geli karaan, waxaana kala saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Indonesia, Sugiono.
Dhammaan tallaabooyinkan ayaa calaamad u ah isfahamka iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.