SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan ciidamada si looga guuleysto cadowga.
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo S/Gaas Odowaa Yusuf Raage. / User Upload
15 Agoosto 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidamada qaranka ay u diyaargaroobeen in ay bilaabaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la filayo in lagu xoreeyo degmooyin iyo deegaano muhiim ah.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Maxamed, oo u waramaya warbaahinta qaranka ee Soomaaliyeed, SNTV ee barnaamijka kulanka todobaadka, ayaa sheegay in maalmaha soo socda shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan "war ay ku farxaan." Wuxuu tilmaamay in diyaar-garowga ugu weyn uu ka socdo gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, iyo Galgaduud.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay garab istaagaan ciidamada si looga guuleysto cadowga.

Ciidamada oo kormeer iyo howlgallo ka wada gobollada

Hadalka Afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli saraakiisha sare ee ciidamada ay kormeer iyo howlgallo ka wadaan gobollada dalka.

Shabeellaha Hoose: Ciidamada Kumaandooska ee Gorgor ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beere iyo nawaaxigiisa, waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka ay maraan dadka shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawa Yuusuf Raage, ayaa sidoo kale booqday deegaanka Bariire ee gobolkaas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab, halkaas oo uu ku bogaadiyay ciidamada sida ay u shaqeeyeen.

Galgaduud: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday degmada Ceeldheer si uu ula kulmo ciidamada qaranka iyo in uu dhiirigeliyo. Waxa uu kormeeray difaacyada hore ee ciidamada, isagoo ku boorriyay in la sii wado howlgallada.

Booqashooyinka saraakiisha ee gobollada waxay muujinayaan sida dowladda ay uga go'an tahay in lagu guuleysto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo la xoreynayo dhulka ay wali gacanta ku hayaan.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us