Dhowr waddan oo Carab ah ayaa si adag u cambaareeyay hadallada Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee ku saabsanaa taageeradiisa ku aaddan "Isra’iisha Weyn," iyagoo ku tilmaamay inay khatar ku tahay madaxbannaanida dalalka iyo inay jebinayso sharciga caalamiga ah.
Netanyahu oo Talaadadii la hadlayay warbaahinta i24 ayaa sheegay inuu si weyn u taageersan yahay aragtida Isra’iisha Weyn, isagoo naftiisa ku tilmaamay inuu yahay "mid ku jira hawl taariikhi ah iyo mid ruuxi ah" oo matalaya "jiilal Yuhuud ah oo ku riyoonayay inay halkan yimaadaan iyo jiilal kale oo Yuhuud ah oo iman doona mustaqbalka."
Israa’iisha Weyn, waa eray loo adeegsado siyaasadda Israa’iil si loogu tilmaamo is-ballaarinta dhuleed oo ay ku jiraan Daanta Galbeed ee la haysto, Marinka Qaza ee go’doonsan, Buuraha Golan ee Suuriya ee la haysto, Saxaraha Siinaay ee Masar, iyo qaybo ka mid ah Urdun.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Urdun ayaa ku tilmaantay hadallada Netanyahu inay yihiin "Daandaansi khatar ah iyo kicin" khatar ku ah madaxbannaanida dalalka isla markaana jebinaya Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay intaas ku dartay in sheegashooyinkan "mala-awaalka ah" aysan waxba ka beddeli doonin xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin, balse ay sii hurin doonaan "rabshadaha iyo colaadaha" ka jira Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.
Maamulka Falastiin ayaa ku tilmaamay hadalladaas "ku tumasho xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiin" iyo "kicin khatar ah oo sii xumeynaysa xasilloonida gobolka." Waxay mar kale xaqiijiyeen inay ka go’an tahay dhisidda dowlad Falastiin oo madax-bannaan oo ku saleysan xuduudihii 1967, iyadoo Bariga Qudus ay tahay caasimaddeeda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegtay in hadallada Netanyahu ay muujinayaan "habdhaqanka gumeysiga ku saleysan ee isla weynida, hurinta xiisadaha iyo colaadaha, iyo ku xadgudubka madaxbannaanida dalalka." Waxay taageero u muujisay dadaallada lagu gaarayo "nabad cadaalad leh, dhammaystiran, oo waarta."
Boqortooyada Sacuudiga ayaa diidday waxa ay ugu yeertay "fikradaha iyo mashaariicda is-ballaarinta" waxayna mar kale xaqiijisay "xuquuqda taariikhiga ah iyo sharciga ah ee shacabka Falastiin ee ah inay dhistaan dowlad madax-bannaan oo ka talisa dhulkooda."
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa dhankiisa cambaareyay "dabeecadaha gardarrada ah iyo kuwa is-ballaarinta ku saleysan" ee Israa’iil, iyagoo ka digay inay khatar weyn ku yihiin "amniga qaran ee guud ahaan Carabta."
Xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Qaza
Israa’iil ayaa tan iyo bishii Oktoobar 2023 waddey xasuuq baahsan oo ka dhan ah Qaza, iyadoo dishay in ka badan 61,700 oo Falastiiniyiin ah, ku dhawaad kala barna ay yihiin haween iyo carruur.
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ayaa bishii Nofeembar ee la soo dhaafay soo saartay amarro lagu soo xirayo Netanyahu iyo wasiirkii hore ee difaaca Yoav Gallant, iyagoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Qaza.
Israa’iil ayaa sidoo kale wajahaysa dacwad xasuuq ah oo ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda.