CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ballan qaaday xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go'an tahay inay si buuxda u taageerto ciidamada si ay u soo afjaraan haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada ay weli ku harsan yihiin.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ballan qaaday xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab
Wasiirka gaashaandhigga XFS Axmed Macallim Fiqi
19 Agoosto 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dowladda, ayaa kormeer ku tagay furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ku ballan-qaaday in dowladda ay sii labanlaabi doonto dadaallada lagu ciribtirayo kooxda.

Wafdiga Wasiirka, oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Dhulka, iyo guddoomiyeyaasha gobollada Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa booqday deegaannada istiraatiijiga ah ee Xaaji Cali iyo Raaga-Ceelle.

Ujeedada socdaalkooda ayaa ahayd sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladda ciidamada, ula wadaagi lahaayeen dhiirigelin, ayna u dhageysan lahaayeen warbixinnada hoggaanka ciidanka ee ku aaddan istiraatiijiyadda dagaalka.

Isagoo la hadlayay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, ayuu Wasiir Fiqi ammaanay geesinimada iyo nafhurnimada ay muujiyeen, isagoo sheegay in guulaha ay gaareen ay yihiin kuwo ay ku faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

"Kuwa u baahan dhiirrigelin waa bulshada, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal dalkooda u halgamay oo cadowga ka xoreeyay," ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo intaas ku daray in midnimada shacabka iyo ciidanka ay tahay awoodda ugu weyn ee guusha lagu gaari karo.

"Kuwa u baahan dhiirrigelin waa bulshada, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal dalkooda u halgamay oo cadowga ka xoreeyay."

Wasiir Fiqi

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go'an tahay inay si buuxda u taageerto ciidamada si ay u soo afjaraan haraadiga Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada ay weli ku harsan yihiin.

Wuxuu ciidamada faray inay diyaar u noqdaan wejiga ugu dambeeya ee dagaalka ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Booqashadan ayaa imaanaysa xilli ciidamada huwanta ah ee dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro awoodda Al-Shabaab ee gobollada dhexe ee dalka.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us