Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go'aan taariikhi ah oo lagu dardar galinayo hannaanka aqoonsiga iyo socdaalka dalka, kadib kulan muhiim ah oo ka dhacay Muqdisho.
Kulankan, oo ay yeesheen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka amniga gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Shirka ayaa si rasmi ah loogu caddeeyay in laga bilaabo 1-da September 2025, qof kasta oo codsanaya Baasaboorka Soomaaliga ah ay waajib ku noqon doonto in uu haysto Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Go’aankan ayaa looga golleeyahay in lagu xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadiniinta, laguna mideeyo diiwaangelinta shacabka.
Sidoo kale, waxaa la isla meel dhigay in laga bilaabo 1-da January 2026, socdaalka gudaha dalka lagu xiri doono isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga, hufnaanta, iyo adeegyada dowladda.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, Maareeyaha Guud ee NIRA, Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde), iyo Agaasimaha Guud ee HSJ, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.
Ujeeddooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxaa ka mid ahaa dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliya, tayeynta xogta muwaadiniinta, iyo xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA.
Labada hay’adood ayaa sheegay inay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada iyo wacyigelinta bulshada muddooyinka ka horreeya taariikhaha la shaaciyay, si loo xaqiijiyo in hannaanku u socdo si hufan oo la isku halleyn karo.
Soomaaliya ayaa tallaabadan ku sifaysay mid muhiim ah oo lagu casriyeynayo maamulka dowladda.