Ciidamada Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan gudihiisa guulo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaddib markii ay howlgallo sirdoon ku saleysan oo kala duwan ku dileen horjoogeyaal sare oo muhiim u ahaa kooxda.
Howlgalladan oo si is-daba-joog ah uga dhacay gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka, ayaa muujinaya cadaadiska xooggan ee lagu hayo shabakadda hoggaanka ee argagixisada.
Howlgalkii ugu dambeeyay, oo dhacay habeenimadii Axadda (Agoosto 17, 2025), ayay Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) deegaan hoostaga magaalada Waajid ee gobolka Bakool ku dileen Xuseen Macallin Xasan (Magaalabeen).
Horjoogahan oo in ka badan 15 sano ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu tilmaamay maskaxdii ka dambeysay falal badan oo argagixiso oo ka dhacay dalka oo dhan. Wuxuu soo qabtay xilal sare oo ay ka mid ahaayeen madaxa sirdoonka iyo kan howlgelinta dagaalka ee gobollo dhowr ah.
Guushan ayaa daba socota howlgallo kale oo ay toddobaadkii hore Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ka fulisay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, iyo Galgaduud intii u dhaxaysay 12-kii ilaa 14-kii Agoosto.
Howlgalladaas waxaa lagu dilay 11 xubnood, oo uu ku jiray horjooge kale oo muhiim ahaa, Cabdullaahi Ganeey, oo kooxda ka tirsanaa tan iyo 2009.
Waxaa sidoo kale howlgalladaas lagu burburiyay gaari siday saanad ciidan oo muhiim u ahayd dhaqdhaqaaqa kooxda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalladan is-daba-joogga ah ay caddeyn u yihiin sida ay uga go'an tahay ciribtirka argagixisada iyadoo la beegsanayo madaxdooda, shabakadooda saadka, iyo goobaha ay ku dhuumaaleystaan.
Mas'uuliyiinta amniga ayaa carrabka ku adkeeyay in la sii wadi doono beegsiga bartilmaameedyada muhiimka ah si loo sugo amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.