Safaaradda dalka Turkiga ee Soomaaliya, ayaa martiqaad sharaf ah u fidisay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan lagu qabtay xarunta Safaaradda ee magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa labada dhinacba looga wada hadlay arrimo muhiim u ah xaaladda dalka iyo iskaashiga labada qaran ee walaalaha ah.
Sida lagu daabacay barta X ee Safaaradda Turkiga, waxay muujiyeen farxad ay u hayaan martigalinta Mudane Rooble. Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Rooble oo arrintan ka hadlay baraha bulshada, ayaa sheegay inuu kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Turkiga, Alper Aktas.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo doorashooyinka.
Rooble waxa uu tilmaamay in Safiir Aktas uu siiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka wado Soomaaliya, iyo sidoo kale taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Turkiga wuxuu muddo dheer xiriir dhow la lahaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ka shaqaynayay mustaqbal ifaya oo ku dhisan iskaashi dhaqaale iyo mid amni.
Waxay Soomaaliya si dhow u garab istaageen, iyagoo maal-gashanaya waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.
Sidoo kale, Turkigu wuxuu leeyahay xarunta tababarka ciidamada milateri ee ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay, TurkSom, oo ku taalla magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa sida ay uga go’an tahay taageerada amniga Soomaaliya.