Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray xerada cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor oo ku taalla Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda lagu daah furayay dhismahan casriga ah ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay Jeneraal Sabahattin Kalkan oo ka socday Taliska TURKSOM ee dowladda Turkiga.
Dhismahan ayaa noqon doona xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah tababarka, abaabulka iyo hawlgallada Guutada Gorgor.
Taliyaha ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo sheegay in xeradan ay kor u qaadi doonto tayada iyo awoodda difaaca qaranka.
Wuxuu xusay in Guutada Gorgor, oo ah laf-dhabarka ciidanka dalka, ay xeradan cusub ka heli doonto kaalin weyn oo ay ku fuliso waajibaadkeeda ku aaddan sugidda amniga.
Xarig-jarista xeradan ayaa lagu macneeyay mid muujineysa qotada dheer ee xiriirka dhow ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku dhisan iskaashi amni iyo mid dhaqaale. Muddo dheer ayay dowladda Turkiga garab istaagtay Soomaaliya, iyadoo maalgashiyo ballaaran ku sameysay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka.
Sidoo kale, Turkiga wuxuu Soomaaliya ku leeyahay xarunta tababarka ciidamada milateri ee ugu weyn ee uu dibadda ku leeyahay, TURKSOM, halkaas oo lagu tababaro Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.
Taasina waxay caddayn u tahay sida ay uga go’an tahay Turkiga taageerada uu siinayo in Soomaaliya ay yeelato ciidan awood leh oo isku filan.