Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa ku warrantay in howlgallo isdaba-joog ah oo ay fuliyeen bilowgii bishan Agoosto lagu dilay horjoogayaal sarsare iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegtay Hay'addu.
NISA ayaa sidoo kale warbixin ay dhowaan soo saartay ku sheegtay in hawlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, ay ku beegsatay guri ay deganaayeen horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab.
Hawlgalkan, oo ay NISA ay sheegtay inuu weli socdo, ayaa la sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadkii halkaasi ku sugnaa.
Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaysa saaxiibbada caalamiga ah, ayaa ku warramay in howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan 2-dii Agoosto lagu dilay siddeed xubnood oo ka tirsan ururka argagixisada Al-Shabaab. Xubnahan ayaa ku howlanaa qorsheyaal ay ku dhibaateyn lahaayeen dadka rayidka ah ee deegaanka.
Sidoo kale, 5-tii Agoosto, Ciidanka Gaarka ah ee Gaashaan ee NISA ayaa shaaciyay in howlgallo ka dhacay deegaanka Cumar Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay goobo ay argagixisadu ku dhuumaaleysan jireen.
Bilowgii bishii Agoosto, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), oo qeyb ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa howlgal ka fuliyay magaalada Bariire, kaasi oo qeyb ka ahaa ololaha "Duufaanta Aamusan".
Howlgalkaas waxaa lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kadib markii si toos ah loo beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay ku lahaayeen gobolkaas.