CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo diidey dowladda kale oo laga yagleelo Suudaan
Golaha Ammaanka ayaa sheegay in tallaabada gaarka ah ee RSF ay khatarta ku tahay in ay sii dheereeyso colaadda.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo diidey dowladda kale oo laga yagleelo Suudaan
Goolka Ammaanka ee Qaramada Midoobay / Reuters
14 Agoosto 2025

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday bayaan ay soo saareen Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) oo ku dhawaaqay maamul labaad oo ay ka yagleeleen Suudaan, iyagoo ka digay in tallaabadan ay khatar ku tahay midnimada dalka, wadajirka dhuleed iyo xasilloonida gobolka.

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay diideen ku dhawaaqista dhismaha maamul is-barbar socda oo ka jira goobaha ay maamulaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah,” ayaa lagu yiri bayaan Arbacadii kasoo baxay golaha, iyagoo muujiyay “walaac weyn” oo ku saabsan in tallaabadan ay kala qaybin karto dalka oo ay uga sii dari karto xaaladda bani’aadannimo ee Suudaan.

Goluhu wuxuu si cad u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan, isagoo ku adkeystay in tallaabooyinka hal dhinac ah ee wax u dhimaya qiyamkaas ay khatar ku yihiin mustaqbalka Suudaan iyo nabadda gobolka oo dhan.

Xubnuhu waxay soo xigteen Qaraarka Golaha Ammaanka ee 2736 oo la ansixiyay bishii Juun, kaas oo ku baaqaya in RSF ay joojiso go’doominta magaalada El Fasher — caasimadda Waqooyiga Darfur oo ah xarun muhiim ah oo bani’aadannimo — iyo in la joojiyo dagaalka ka socda aagga ku hareeraysan halkaas oo ay ka jiraan macaluul iyo cunto yari aad u daran.

Khasaare culus oo rayid ah

“Xubnaha Golaha Ammaanka waxay ku booriyeen RSF inay oggolaato in gargaar bani’aadannimo si aan xannibaad lahayn loo gaarsiiyo El Fasher,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo la tilmaamay warbixinnada sheegaya weerar cusub oo RSF ay ku qaaday magaalada.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in ugu yaraan 57 qof oo rayid ah lagu dilay weerar Isniintii ay RSF ku qaadday magaalada, kuwaasoo ay ku jiraan 40 qof oo ku barakacay xerada Abu Shouk.

Goluhu wuxuu sidoo kale cambaareeyay weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Kordofan ee Suudaan oo ay fuliyeen dhinacyo kala duwan, isagoo sheegay in ay sababeen khasaare culus oo rayid ah iyo carqalad ku timid hawlaha bani’aadannimo.

Xubnaha golaha waxay ku adkeysteen in dib u bilaabidda wada-hadallada ay muhiim tahay si loo joojiyo dagaalka, loo xaqiijiyo xabbad-joojin waarta, loona dhiso heshiis siyaasadeed oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadeed iyo bulsho ee Suudaan.

Waxay dalbadeen in dhammaan dhinacyadu ay ilaaliyaan rayidka, u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah, oo ay u hoggaansamaan Qaraarka 2736, iyagoo sidoo kale ku baaqay in lala xisaabtamo kuwa ku lugta leh xadgudubyada waaweyn.

Nabadda waarta

Bayaanka ayaa sidoo kale ku booriyay dhammaan dowladaha inay ka fogaadaan tallaabooyinka sii hurin kara colaadda oo ay taageeraan dadaallada lagu doonayo nabad waarta.

RSF waxay hadda gacanta ku haysaa qaybo ka mid ah Waqooyiga iyo Galbeedka Kordofan, meelo ka mid ah Koonfurta Kordofan iyo gobolka Blue Nile, iyo afar ka mid ah shanta gobol ee Darfur.

Colaadda u dhaxaysa ciidanka Suudaan iyo RSF oo bilaabatay bishii Abriil 2023 ayaa lagu dialy in ka badan 20,000 oo qof, iyadoo ku qasabtay in ka badan 14 milyan oo qof inay barakacaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Cilmi-baaris ka timid jaamacad Mareykan ah ayaase dhimashada ku qiyaastay ilaa 130,000.

XIGASHO:TRT Afrika
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us