Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in safarkii taariikhiga ahaa ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu ku yimid Soomaaliya sannadkii 2011-kii, uu ahaa go’aan geesinimo leh oo horseeday isbeddel muhiim ah oo beddelay mustaqbalka dalka.
Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in booqashadii Madaxweyne Erdogan, oo xilligaas ahaa Ra'iisul Wasaare, ay ku soo beegantay xilli dalka uu marayay mid ka mid ah waqtigii ugu adkaa ee soo maray tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1990-kii.
"Booqashadii Madaxweyne Erdogan uu Muqdisho ku yimid, isagoo ay la socdaan xaaskiisa, carruurtiisa, iyo xubnaha golaha wasiirrada, waxaa lagu xasuustaa maalin aan la iloobi karin," ayuu yiri Wasiir Nuur, isagoo xusay in dalka uu waqtigaas la daala-dhacayay abaartii ugu xumayd ee soo marta.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiin Soomaaliyeed, booqashadan ayaa noqotay isbeddel weyn oo dalka ka saaray go’doonkii, isla markaana dib ugu soo celiyay ajendaha beesha caalamka, waxaana taas ka dhashay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga oo gaaray heer istiraatiijiyadeed.
Wasiir Nuur wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay u muuqatay waddan la dayacay tan iyo 1990-kii, ayna la kulantay mid ka mid ah abaaraha ugu daran ee soo mara taariikhdeeda.
"Maalmahaas, Soomaaliya waxay ahayd waddan dunida ka go’doonsan oo aan wax gargaar ah helin. Markii uu Madaxweyne Erdoğan, oo ay la socdaan wasiirradiisa, qoyskiisa iyo dhammaan mas'uuliyiintiisa, yimid Soomaaliya, waxaa dhacay isbeddel weyn. Dadka Soomaaliyeed oo keliya ma aysan helin gargaar, balse indhaha caalamka oo dhan ayaa loo soo jeediyay Soomaaliya," ayuu raaciyay.
Wasiir Nuur wuxuu carabka ku adkeeyay in Turkiga uusan waligiis dib u dhicin tan iyo booqashadii Erdoğan, isagoo yiri, "Maalintaas wixii ka dambeeyay, maalinba maalinta ka dambaysa waan horumarnay. Kaalinta Turkiga ee dib u dhiska Soomaaliya waxay ahayd mid qiimo leh."
Iskaashiga oo ka tallaabay gargaarka bani'aadamnimo
Sida uu sheegay agaasimaha Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya, Maxamed Dhuubow, oo ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, booqashadii Erdoğan ee 2011-kii waxay ahayd mid gargaar oo bani’aadamnimo ku salaysan, halka booqashadii labaad ee 2016 ay ahayd mid ku aaddan horumar iyo maalgashi.
Dhuubow wuxuu sheegay in kaalinta Turkiga ee Soomaaliya ay u wareegtay dhanka maalgashiga iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Furitaanka safaaradda ay Muqdisho ku yeesheen, aasaasida xafiiska Hay’adda TIKA, iyo furitaanka isbitaallada iyo iskuullada ayaa dhamaantood ahaa dadaallo loo sameeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Maanta, Soomaaliya waxay noqotay astaan ka mid ah isballaarinta Turkiga ee qaaradda Afrika.
Shirkadaha Turkiga ayaa door muuqda ku leh kaabayaasha dhaqaalaha iyo nolosha maalinlaha ah ee Soomaaliya, halka labada dal ay sidoo kale sahaminayaan iskaashi cusub oo dhanka tamarta, kalluumeysiga, iyo xitaa hawada sare ah.