Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa Faransiiska, Emmanuel Macron, iyagoo ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Turkiga iyo Faransiiska, arrimaha muhiimka ah ee caalamka, gaar ahaan xaaladda Qaza iyo dadaallada nabadeed ee Ukraine iyo Ruushka.
Intii lagu guda jiray wadahadalka khadka telefonka, labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Faransiiska, dadaallada nabadeed ee Ukraine, xaaladda ka taagan Qaza, iyo sidoo kale arrimo gobolka ku saabsan iyo kuwo caalami ah oo kala duwan.
Qaza oo ay ka jirto musiibo bani’aadamnimo
Erdogan, isagoo ka hadlayay xaaladda Qaza, ayaa Macron u sheegay in Turkigu uu si adag uga shaqaynayo sidii loo joojin lahaa dagaalka, isagoo isla markaasi xusay in halkaasi ay ka jirto musiibo bani’aadamnimo oo baaxad leh.
Wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in "khiyaanada sii kordheysa ee Israaa’iil ay ku dardargelinayso qorshaha gumeysiga ay tahay in la xakameeyo."
Dhankiisa, Macron wuxuu cambaareeyay go'aannada dowladda Israa'iil ee ku aaddan weerar cusub oo ka dhaca Qaza iyo is-ballaarinta deegaannada Daanta Galbeed. Wuxuu sheegay in tallaabooyinkaasi ay "ka horimaanayaan dadaallada nabadda."
Dadaallada nabadda ee Ruushka iyo Ukraine
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale iska xog wareystay xaaladda Ukraine, iyadoo Erdogan uu Macron u xaqiijiyay in Turkiga uu sii wado dadaalladiisa ku aaddan in la helo nabad cadaalad ku dhisan.
Wuxuu kaloo sheegay in Ankara ay si dhow ula socoto wada-hadallada ka socda Alaska iyo Washington, DC. "Turkiga wuxuu diyaar u yahay inuu martigeliyo wada-hadallo nabadeed oo dhex mara Ukraine iyo Ruushka," ayuu yiri Erdogan.
Macron ayaa dhankiisa u mahadceliyay Turkiga iskaashiga uu la leeyahay xulafada doonaysa in dagaalkaasi la soo afjaro. Wuxuu kaloo xusay in labada hoggaamiye ay isla qabaan aragtida ah in la soo afjaro "dagaalka gardarrada ah" ee Ruushka.
Labada hoggaamiye ayaa isku raacay inay si faahfaahsan uga sii wada hadlaan arrimahan marka ay isku arkaan Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhici doona New York bisha Sebtembar.
Xiriirka laba geesoodka ah ee Turkiga iyo Faransiiska
Intii uu socday wadahadalka, Erdogan wuxuu sidoo kale muujiyay muhiimadda uu Turkiga siinayo horumarinta iskaashiga Faransiiska, gaar ahaan warshadaha difaaca.