CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Taliyaha Cusub ee AFRICOM
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Jeneraal Anderson ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka kala wareegay Jeneraal Michael E. Langley, oo si rasmi ah shaqada uga fariistay bishii hore ee Agoosto.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Taliyaha Cusub ee AFRICOM
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Taliyaha Cusub ee AFRICOM / Villa Somalia - Meta
4 Sebteembar 2025

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin R.M. Anderson, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ciidan iyo diblomaasiyiin Maraykan ah.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Jeneraal Anderson ku yimaado Soomaaliya tan iyo markii uu xilka kala wareegay Jeneraal Michael E. Langley, oo si rasmi ah shaqada uga fariistay bishii hore ee Agoosto.

Kulankan oo diiradda lagu saaray arrimaha iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo xasilinta, ayaa yimid xilli xasaasi ah. Waxaa la sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muujiyey sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka in ay sii waddo horumarinta nabadda iyo xasilloonida, isaga oo bogaadiyay kaalinta AFRICOM.

Dhinaciisa, Jeneraal Anderson, oo khibrad dheer u leh hawl-gallada gaarka ah iyo horumarinta ciidamada, ayaa ballanqaaday in Maraykanka uu si dhow ula shaqayn doono Soomaaliya. Booqashadan ayaa u muuqata mid lagu xoojinayo ballanqaadka Maraykanka ee ah inuu wax ka qabto caqabadaha amniga ee ka jira Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Jeneraal Dagvin R.M. Anderson waxa uu xilka Taliyaha AFRICOM si rasmi ah ugala wareegay Jeneraal Michael E. Langley munaasabad ka dhacday magaalada Stuttgart ee dalka Jarmalka, 15-kii Agoosto ee sanadkan. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo madax-bannaan, Jeneraal Anderson waxa uu horey u ahaan jiray Taliyaha Taliska Hawlgalada Gaarka ah ee Afrika.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us