Kooxda iska caabbinta Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay in shan ka mid ah xubnaheeda iyo sarkaal amni oo Qadari ah lagu dilay weerar Israa’iil ka geysatay magaalada Dooxa, oo uu ku jiro wiilka hogaamiyaha sare ee Xamaas, Khalil al-Xayya.
Xamaas waxay sheegtay in Israa’iil ku guuldareysatay iskuday ay ku doonaysay inay ku khaarijiso kooxda wadaxaajoodka heshiiska xabbad-joojinta.
Suhail al-Hindi oo ka tirsan xafiiska siyaasadda Xamaas ayaa u sheegay Al Jazeera TV in hoggaanka sare ee kooxda ay ka badbaadeen weerarka Israa’iil.
Wuxuu sheegay in Hammam al-Xayya, oo ah wiilka hogaamiyaha Xamaas Khalil al-Xayya, iyo agaasimihiisa xafiiska, Jihad Lubad, lagu dilay weerarka, oo sidoo kale ay ku dhinteen dhowr kaaliyayaal kale.
Sida uu sheegay al-Hindi, weerarka ayaa dhacay xilli ay kooxda wadaxaajoodka Xamaas shir ku lahaayeen si ay uga wada hadlaan soo jeedinta Mareykanku ee ku saabsan xabbad-joojin ka dhacda Qaza.
Wuxuu intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha Xamaas Khalil al-Xayya iyo Zaher Jabarin ay ka mid ahaayeen kuwa ka badbaaday weerarka iyaga oo aan waxyeello soo gaarin.
Al-Hindi wuxuu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil iyo Mareykanku ay mas’uul ka yihiin weerarka ka dhacay caasimadda Qatar.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerar oo ka dhan ah hoggaanka sare ee Xamaas.