Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amray in si degdeg ah dib-u-dhis ballaaran loogu sameeyo iskuulkii hoose ee uu waxbarashada ka bilaabay, ka dib markii baaq qiiro leh oo uu soo diray duqa degmada Jalalaqsi, oo ay isku fasal ahaayeen, uu si weyn ugu faafay baraha bulshada.
Dugsiga Hoose ee Nasru-Diin, oo ku yaalla degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, ayaa muddo lixdan sano ku dhow waxbarasho u fidinayay boqollaal carruur ah. Balse hadda wuxuu wajahayaa xaalad burbur ah oo daran, iyadoo kaabayaashiisii ay duugoobeen, qalabkiisuna jabo, fasalladiisuna ay halis ugu jiraan inay ku dumaan ardayda.
Xaaladdan ayaa ku kalliftay duqa degmada, Yuusuf Nuux Dhurre, oo madaxweynaha ay iskuul wada dhigan jireen 1970-yadii, inuu farriin muuqaal ah u diro madaxweynaha, isagoo ka codsanaya in la badbaadiyo iskuulka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo si degdeg ah uga jawaabay baaqaas ayaa yiri, "Waxaan arkay ardaygii aan isku fasalka ahaan jirnay Yuusuf Nuux Dhurre oo ku baaqaya in dib loo dayactiro iskuulka. Waxaan halkan ku amrayaa Wasiirka Waxbarashada inuu Dugsiga Nasru-Diin ku daro barnaamijka qaran ee dib-u-dhiska iskuullada."
Maamulaha iskuulka, Suleiman Sheekh Gabow, oo isna ahaa arday ay madaxweynaha isku fasal ahaayeen, ayaa soo dhoweeyay amarka, wuxuuna yiri, "Haddii ay yimaadaan dabeylo xooggan ama roobab, fasalladu way ku dumi karaan carruurta. Waan uga mahadcelineynaa madaxweynaha amarkiisa, waxaana rajeyneynaa iskuul ammaan ah."
Waxbarashada iyo saameynta ay ku leedahay nolosha Madaxweynaha
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iskuulkan dhiganayay ilaa fasalka lixaad, ka hor intii aysan qoyskiisu u guurin Muqdisho. Wuxuu aaminsan yahay in waxbarashadu ay tahay aasaaska noloshiisa, isagoo mar yiri:
"Waxaa i soo korisay hooyaday. Waxbarashadu waxay beddeshay aayahayga. La'aanteed, waxaan maanta noqon lahaa xoolo dhaqato. Waxbarashadu waa qalabka ugu wanaagsan ee lagula dagaallamo faqriga."
Amarkan lagu dhisayo Dugsiga Nasru-Diin ayaa qayb ka ah barnaamij ballaaran oo lagu dhisayo 1,000 fasal oo cusub guud ahaan dalka.
Si loo dhaqan geliyo amarka madaxweynaha, Wasiirka Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa la kulmay Duqa Jalalaqsi iyo mas'uuliyiin kale si ay uga wada hadlaan habka dib u dhiska iskuulka, kaas oo ay bulshadu rajaynayso inuu horseedo mustaqbalka dhismaha jaamacad deegaanka laga hirgeliyo.