Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war saxaafadeed ku shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ka fulisay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax.
NISA waxay xaqiijisay in horjoogahan uu ahaa maskaxdii ka dambaysay isku-daygii dil ee fashilmay ee lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, 18-kii Maarso 2025.
Dib u eegis: Weerarkii 18-kii Maarso 2025
Maalintaas, abaare 10:32 subaxnimo, ayaa kolonyada Madaxweynaha lagu weeraray agagaarka Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamar-Jajab, xilli uu madaxweynuhu ku sii jeeday garoonka diyaaradaha si uu ugu biiro ciidamada ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa xilligaas xaqiijisay in weerarka la fashiliyay, madaxweynuhuna uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday. Weerarkaas oo ay mas'uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab, wuxuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dhacdadaas waxaa si adag u cambaareeyay caalamka. Jaamacadda Carabta waxay ku tilmaantay "weerar qaawan," halka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) uu ku sifeeyay "fal foosha xun," iyagoo labaduba u muujiyay taageero buuxda Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada.
Dilka horjooge Maxamed Cabdi Dhiblaawe Afrax ayaa NISA ku tilmaantay mid muhiim u ah la xisaabtanka dembiyadii uu galay, waxayna ballan qaadday inay faahfaahin dheeraad ah ka soo saari doonto howlgalka.