Guddiga doorashooyinka Tansaaniya ayaa musharrax ka reebay inuu u tartamo doorashada madaxtinimada ee Oktoobar 2025, sida uu Arbacadii sheegay xisbiga uu ka tirsan yahay siyaasigaas mucaaradka ah.
Xisbiga Isbahaysiga Isbeddelka iyo Hufnaanta (ACT Wazalendo) oo ah xisbiga saddexaad ee ugu weyn Tansaaniya, wuxuuna u magacaabay Luhaga Mpina inuu noqdo musharraxiisa madaxtinimo.
Mpina wuxuu foomamka musharraxnimada ka qaatay Guddiga Doorashooyinka waxaana la rabay inuu Arbacadii dib ugu celiyo, balse waa laga hor istaagay iridda hore.
Xisbigiisa wuxuu sheegay inay warqad ka heleen guddiga doorashooyinka oo Mpina looga mamnuucayo inuu dib u celiyo foomamka, sababtoo ah "wuxuu u qalmi waayay."
Xisbiga oo ballan-qaaday inuu go'aankaas ka dhiidhiyi doono
Xisbigu wuxuu sheegay inuu go'aankaas maxkamad ku horgeyn doono.
Ololaha doorashada ayaa lagu wadaa inuu billowdo Khamiista, 28-ka Agoosto.
Hoggaamiyaha mucaaradka, Tundu Lissu, ayaa xirnaa tan iyo bishii Abriil, isagoo sugaya maxkamadeyn ku saabsan eedeymo khiyaano qaran, kuwaas oo ciqaabtoodu tahay dil.
Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa mar kale u tartamaysa doorashada bisha Oktoobar.
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa Arbacadii hore ansixiyay musharrax Madaxweyne Samia Suluhu Hassan iyo ku xigeenkeeda Emmanuel Nchimbi inay ka qaybgalaan doorashada 29-ka Oktoobar, kadib markii ay heleen foomamkooda musharraxnimo.
Doorashada waxaa la qaban doonaa iyadoo uusan ka qaybgalayn xisbiga ugu weyn mucaaradka ee CHADEMA, kaas oo la mamnuucay bishii Abriil kadib markii uu diiday inuu saxiixo xeerka anshaxa doorashooyinka, taas oo qayb ka ahayd baaqiisa ku aaddan dib-u-habeynta doorashooyinka.
Talaadadii, Xafiiska Diiwaan-hayaha Xisbiyada Siyaasadda ayaa meesha ka saaray Mpina, isagoo tixraacaya cabashooyin ka yimid xubin xisbiga ka tirsan oo sheegay in xisbigu u hoggaansami waayay habraacyadii magacaabista ee doorashooyinkii is-reereebka.
Mpina, oo ah nin dhaliila dowladda, horena uga tirsanaa xisbiga talada haya ee baarlamaanka, ayaa horraantii bishan ka soo goostay xisbiga CCM.
"Go'aankani ma aha oo kaliya mid ceeb ah, laakiin wuxuu abuurayaa su'aalo dheeri ah oo ku saabsan daacadnimada, dhab-u-qaadashada, xirfadda, iyo madax-bannaanida guddiga doorashooyinka," ayuu bayaan uu soo saaray Arbacadii ku yiri Ado Shaibu, Xoghayaha Guud ee ACT-Wazalendo.