TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Baarlamaanka Turkiga oo ku baaqay in la joojiyo xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay
Tan iyo Oktoobar 2023, weerarrada Israa’iil ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 63,000 oo Falastiiniyiin ah oo ku noolaa Qaza.
Baarlamaanka Turkiga oo ku baaqay in la joojiyo xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay
Baarlamaanka Turkiga ayaa ku baaqay in la joojiyo xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay. / AA
30 Agoosto 2025

Baarlamaanka Turkiga ayaa ku baaqay in la joojiyo xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay, sababo la xiriira weerarrada xasuuqa ah ee ay ciidamada Israa’iil ku hayaan Qaza.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa burburiyay deegaanka, sidoo kale dhaliyey macaluul baahsan oo bareer ah.

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin si xooggan u cambaareynaya ballaarinta gumeysiga Israa’iil ee Qaza iyo eedeymaha ku saabsan in ay xasuuq u geysatay dadka Falastiiniyiinta ah.

Qoraalka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay: “Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo xubinnimada Israa’iil ee Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ilaa ay ka joojiso siyaasadaha xasuuqa.”

Mooshinku wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhammaan baarlamaannada qaran inay jaraan xiriirka milatari iyo ganacsi ee ay la leeyihiin Israa’iil, isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu qaadayo xayiraadda lagu hayo Falastiin.

Baaqani wuxuu ka soo baxay kalfadhigii gaarka ahaa ee Baarlamaanka Turkiga kaasoo ku saabsanaa xaaladda murugsan ee ka taagan Qaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, oo ka hadlay kalfadhiga, ayaa xildhibaannada u soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadamnimada ee ka taagan Qaza.

Wuxuu ku eedeeyay Israa’iil inay Qaza ka geysatay dambiyo uu ku tilmaamay "mid ka mid ah cutubyada ugu madow taariikhda aadanaha."

Fidan ayaa yiri: “Israa’iil, ayaa muddo labo sano ah sii wadda dambiga xasuuqa Qaza, iyadoo indhaha caalamka hortooda ka indho tiraysa qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha.”

Bishii Nofeembar ee sannadkii hore, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saartay amarro qabasho oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Yoav Gallant, kuwaas oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo ka dhacay Qaza.

Israa’iil sidoo kale waxay wajahaysaa dacwad xasuuq ah oo ka socota Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah oo ku saabsan dagaalkeeda ka dhanka ah Qaza.

XIGASHO:TRT World and Agencies, TRT World
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us