Muddadii uu xilka hayay, heesta olole ee "MAGA" ee Donald Trump oo horey u ahayd hal-ku-dhig soo jiitay codbixiyeyaasha Maraykanka,waxay isu beddeshey tubta siyaasadeed ee dhaqaalaha ugu weyn adduunka. Ganacsade Elon Musk ayaa xitaa ku tilmaamay inuu Maraykanku marayo "marxalad kala-guur ah" oo u baahan go’aan adag.
Trump wuxuu si rasmi ah u meel mariyey amar madaxweyne oo hakiyay gargaarka dibadda muddo 90 maalmood ah, taasoo horseeday jawaab celin xooggan oo caalami ah. Siyaasaddan cusub waxay beddeshay qaabka dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda Maraykanka, taasoo saameyn ku yeelatay dalal badan oo dunida ah.
Hasa yeeshee, ma ahan in qof kasta uu ka xumaaday isbeddelkan. Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, wuxuu ugu baaqay Afrika in aysan u arkin tallaabada Trump mid halis ah, balse ay u qaataan "digniin baraarujin ah."
"Waxaan arkayay dad ooyaya, 'Oh! Ma aqaan... Trump wuxuu yidhi wax lacag ah idiinma soo dirayo.' Maxaad u ooyaysaa? Maaha dawlad aad leedahay. Maaha dal aad leedihiin," ayuu yiri Kenyatta xilli uu ka hadlayay shirkii amniga caafimaadka ee Bariga Afrika ee lagu qabtay magaalada Mombasa 28-kii Janaayo ee sanadkaan.
Himilo Afrika leedahay oo ku gaari karto isku filnaansho
Afrika waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo aad u ballaaran, kuwaasoo haddii si sax ah loo maareeyo, suurtogal ka dhigaya in qaaraddu isku filnaato oo ay yareyso ku tiirsanaanta gargaarka shisheeye.
Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay 2019-kii ayaa muujisay in Afrika ay leedahay: 30% kaydka macdanta ee caalamka, 12% saliidda adduunka, 8% gaaska dabiiciga ah, 40% dahabka caalamka, iyo ku dhawaad 90% kaydka chromium iyo platinum.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in 22 dal oo ka mid ah 54-ka dal ee Afrika ay leeyihiin kaydka ugu badan ee batroolka iyo dhuxusha.
Sanadkii 2019, Nigeria ayaa soo saartay 25% saliidda Afrika, halka Angola (17%) iyo Algeria (16%) ay kaalmaha xiga galeen. Wax-soosaarka beeraha, oo shaqo u ah qeyb weyn oo bulshada ah, ayaa sidoo kale leh awood weyn oo lagu horumarin karo qaaradda.
Khabiirada dhaqaalaha ayaa muddo dheer ku baaqayay in maaraynta waara ee kheyraadka dabiiciga ah ay Afrika ka caawin karto inay dhaqaale ka sameyso, shaqooyin cusub abuuri karto, una horseedi karto koboc dhaqaale.
Sida uu sheegay Bangiga Adduunka, heshiiska ganacsi ee Afrika (AfCFTA) wuxuu siinayaa dalalka qaaradda fursad ay: 30 milyan oo qof uga saaraan saboolnimada ba’an, dakhliyada kor ugu qaadaan 68 milyan oo qof oo nolol maalmeedkoodu ka hooseeyo $5.50.
Haddii AfCFTA si buuxda loo hirgeliyo, ganacsiga la fududeeyo, oo la yareeyo xayiraadaha kastamka waxay Afrika u horseedi doontaa dakhli dhan $292 bilyan oo doolar.
Dhaqaalaha Maraykanka iyo saameynta xannibaadda Trump
Haddaba, maxay uga dhigan tahay xannibaadda maalgelinta ee Trump inta uu Afrika iyo adduunku ka baranayo isku filnaansho?
Afhayeenka cusub ee Aqalka Cad ee Mareykanka Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in qorshaha Trump uu yahay in si wanaagsan loo maareeyo canshuuraha muwaadiniinta Maraykanka.
Hase yeeshee, tallaabadani waxay si weyn u dhimi kartaa kaalmo naf-badbaadin ah. Sanadkii 2023, Maraykanka wuxuu ahaa deeq-bixiyaha ugu weyn adduunka, isagoo bixinayay gargaar dhan $72 bilyan.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, wuxuu dhowaan ugu baaqay Maraykanka inuu bixiyo "gargaar dheeraad ah" si loo sugo gargaarka bini’aadantinimo ee bulshada nugul.
"Nolosha iyo nolol-maalmeedka dad badan ayaa ku tiirsan taageeradan."
Si kastaba ha ahaatee, Uhuru Kenyatta wuxuu aaminsan yahay in Trump uu xaq u leeyahay difaaca danaha Maraykanka.
"Qofna ma sii wadayo inuu gacan kuu fidiyo si uu wax kuu siiyo. Waa in aan kheyraadkeenna u adeegsanno meelo sax ah," ayuu yiri Kenyatta.
Caqabado sharciyeed oo la xiriira siyaasadda Trump
Hindiseyaasha qaar ee Trump waxay la kulmeen caqabado sharci ah. Garsoore Maraykan ah ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay amarkiisii hakinta maalgelinta daqiiqado yar kahor inta aanu dhaqan gelin.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha xukuumaddiisa cusub waxay ku adkeysanayaan in xannibaadda gargaarka ay lagama maarmaan tahay, si loo hubiyo in lacagaha ay la jaanqaadayaan siyaasadaha Trump ee la-dagaallanka ku-tiirsanaanta shisheeye.
Khabiirada siyaasadda Maraykanka ayaa tilmaamay in Trump 2.0 uu yahay sidii tiisii hore, balse hadda uu leeyahay waayo-aragnimo dheeraad ah, isla markaana ay hareeraha ka joogaan koox si xeel dheer u diyaarsatay.
David Monyae, oo ah bare-sare oo ka tirsan Jaamacadda Johannesburg, ayaa u sheegay TRT Afrika:"Trump waa soo laabtay. Dunidu waa inay feejignaato."
Sidoo kale, khabiirka xisbiga Jamhuuriga, Whit Ayres, ayaa tilmaamay in Trump 2.0 uu aad uga firfircoon yahay xilligii hore.
"Waxay ahayd dagaal xowli leh oo is-daba-joog ah,amarro madaxweyne, qorsheyaal, iyo hadallo dareen leh oo soo jiitay caalamka," ayuu yiri Ayres.
Inkasta oo xamaasadda siyaasadeed ay sare u kacday, haddana qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha siyaasadda waxay aaminsan yihiin in siyaasadda Trump ay Afrika wax badan ka baran karto.
Momodou Taal, oo ah qoraa Pan-Africanist ah, ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Afrika ay tahay inay qaataan aragti "Afrika-Ugu-Horreysa", iyagoo ka faa’iideysanaya casharrada ka dhashay siyaasadaha Trump.
"Siyaasadahan is-difaaca ee aan taariikhda ku aragnay waxay xiriir la leeyihiin horumarka," ayuu Taal u sheegay TRT Afrika.
"Suuqa xorta ahi ma shaqeyn karo la’aanta faragelin dawladnimo. Sidaas darteed, haddii aan rabno in Afrika horumarto, waa inaan yeelannaa siyaasado is-difaac ah."