Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Dawlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Laascaanood. Madaxweynaha Dawlad-goboleedka, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa si rasmi ah u daahfuray nidaamka diiwaangelinta.
Munaasabadda Furitaanka diiwaangelinta waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali-Xoosh.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka in ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixinta, isla markaana ay muujiyaan masuuliyadda ka dhalata xaqa codkooda. Tani waa tallaabo lagu xaqiijinayo in talada iyo maamulka deegaanka ay gacanta ku hayaan dadka deegaanka.” Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.
Madaxweyne Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa ku booriyay shacabka in ay is diiwaangeliyaan si ay uga qayb qaataan doorashooyinka, isaga oo xusay in Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari uu waajibinayo in awoodda dowladdu ay ku dhisnaato talo wadaag iyo matalaad dadweyne.
"Waa in dadkeennu ay doorashada galaan, is-abaabulaan ayna is diiwaangeliyaan, waa in aynu la tartanaa maamulada kale ee dalka. Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan doorashooyinka qaran" ayuu yiri, Madaxweynuhu.
Wuxuu intaas ku daray in maamulkiisu uu diyaar u yahay qabashada doorashooyin heer qaran, dowlad-goboleed, gobol iyo degmo, si loo hubiyo in shacabka ay si toos ah uga qayb galaan go'aan gaarista.
Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyey madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, iyo gudiyada doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka, Madaxweynaha Waqooyi Bari, Guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdullaahi Timacadde, iyo xubno kale oo sare ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu horreeyay ee is-diiwaangeliya, taas oo muujinaysa muhiimadda ay u arkaan geedi-socodkan.