Fiili wuxuu ahaa qiyaastii 10 sano jir markii uu kadaloobsan jiray jardiimada gurigooda oo ku yaal magaalada Boorama, isagoo ku majeeranaya muusigga ka soo yeeraya rikoorka hooyadii. Marka ay dharka dhaqayso ayay la luuqayn jirtay, in kastoo uusan fahansaneen dhammaan ereyada, haddana wax uun codadkaas ka mid ah ayaa maankiisa ku guntamay.
Saddex iyo toban sano ka dib, wiilka ku dhashay xeryaha qaxootiga ee Dharwanaaje wuxuu noqday mid ka mid ah hal-abuurayaasha ugu caansan Soomaaliya, soosaare, agaasime, muusig-sameeye, qoraa, iyo gabayaa leh aqoonsi caalami ah.
Guulihiisa badan waxaa ka mid ah door cilmi baaris muhiim ah oo ku saabsan filimkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ee u soo gudba abaal-marinta Oscar, The Grave Digger’s Wife.
Codka Iska caabinta
"Xitaa inkastoo aan luqadda fahmi waayay, hadana qalbigaygu wuu fahmay," ayuu Fiili ka yiri la-fal-galkiisii ugu horreeyay ee muusigga.
Soomaaliyadii 90-maadkii, oo telefishinnada guryaha aaney ku badnayn oo raadiyuhu uu ahaa dahab, cajaladaha hooyadiis ayaa noqday dhadhankiisii ugu horreeyay ee fanka. Balse qoys ka kooban laba iyo toban caruur ah, in fanka loo doorto xirfad, ma ahayn wax lagu dhiirigeliyo.
"Markii aan bilaabay heesidda, qoyskayga oo dhan way iga hor yimaadeen. Mustaqbal kuma aysan arkeynin," ayuu TRT Somali u sheegay.
Wuxuu u wareegay qoridda heesaha, balse mucaaradnimadii way sii socotay. "Iyaga, fanku uma ahayn waddo la ixtiraamo," ayuu yiri.
Fiili, isagoo ah kan labaad ee qoys ka kooban laba iyo toban carruur ah, waxa uu wajahay cadaadis ku saabsan doorashada xirfad aan qoyskiisu u arkin mid wax ku ool ah. Si kastaba ha ahaatee, dadaal kasta oo uu sameeyo, ma uusan ka tagi karin dareenka ah in raadinta hal-abuurka ay tahay ujeeddadiisa nolosha.
Qalbigayga guntiisa waxaan ka ogsoonaa inay ahayd waxa ugu quruxda badan ee aan abid noloshayda ka helay. Waa wax aan si qoto dheer u rumaysnaa, mana sii deyn karin
Madax-adayggiisu wuu mira-dhalay
"Ugu dambayntii, qoyskayga waan qanciyay. Ma aha oo kaliya inay u dulqaataan riyadayda, balse in ay sidoo kale ixtiraamaan. Maanta, riyadaas waxaan u sidaa iyaga, aniga, iyo dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Fiili.
Majaajileystaha Fasalka ilaa Gabyaa
Fiili oo arday ah wuxuu ahaa wiilkii qof walba uga qosliyay gabayadiisa iyo sheekooyinkiisa. Markii uu dugsiga sare dhiganayey, gabayadiisu waxay lahaayeen miisaan ka weyn da'diisa.
Wuxuu abaal-marinta "Gabyaaga Sannadka" ku guuleystay afar jeer oo isku xigta. Jaamacadda Jigjiga, gabayadiisa aad ayaa loo tixgeliyay ilaa gabayadiisa qaarkood lagu daray manhajka suugaanta ee jaamacadda.
"Filim-samaynta, waxaan dhiirigelin ka helay hor-seedayaal uu ka mid yahay Khadar Ayderus Ahmed, oo ah filim-sameeye Soomaaliyeed oo hormood ah oo shaqadiisu i tustay inay suurtagal tahay," ayuu yiri. "Gabayada iyo muusigga, waxaan ka dareemay codadka farabadan ee fanaaniinta Soomaaliyeed ee runta ku sheegay adduun aan had iyo jeer doonayn inuu maqlo."
Furitaanka waddooyin cusub
Ka dib shan iyo toban sano oo uu fanka ku jiray, Fiili wuxuu raad ku leeyahay dhammaan madadaalada Soomaalida. Wuxuu qoray heeso caan ah sida Yarta Raadiya oo uu qaaday Suldaan Seeraar iyo heesta Ma Xiiqaa ee ay Haniyeta ku luuqaysay, iyo sidoo kale heeso waddani ah sida Dhulkaygaan Ku Ahay Nabad.
Fiili, markii uu u gudbay samaynta filimada, kaliya ma uusan helin gole ballaaran oo uu ka soo muuqdo, balse sidoo kale wuxuu helay daawadayaal u oomanaa waxyaabo macno leh oo Soomaaliya laga soo saaray ama laga curiyey.
Wuxuu qoray oo jilay filimka Arday, oo ah taxanihii ugu horreeyay ee TV-ga Soomaaliya, oo la bilaabay 2023-kii. Wuxuu soo saaray Barni, wuxuuna maamulay Valley of the Wolves, oo ah wax soo saarkii tiyaatarka ee ugu horreeyay ee Soomaaliyada ay colaaduhu aafeeyeen soddon sano gudahood.
Mashruucyadan waxay horseedeen iskaashi lala yeesho soosaaraha Turkiga Uluç Yemen Aslan iyo soosaarayaasha Soomaaliyeed Khadara Axmed iyo Axmed Faarax, taasoo fiiqday aragtidiisa uu ku gaaray masraxa caalamiga ah.
Dhiirigelinta Kartida
Sida horumarku uusan ugu imaan si fudud Fiili, wuxuu si adag u dareemayaa in hibada Soomaalida ay badanaa helin dhiirigelinta ay mudan yihiin.
"Waxaan la kulmay jilayaal Soomaaliyeed oo da'yar kuwaas oo u qalma in la garowsado xamaasaddooda iyo kartidooda. Intooda badan ma helin tababar rasmi ah, ma helin taageero hay'ad - kaliya doonis adag iyo jacayl ay u qabaan fanka. Waan u bogi. Waan u dadaalaa. Waan abuurtaa," ayuu u sheegay TRT Somali. "Xitaa hadda, samaynta filimada Soomaaliyeed waxa ka buuxaa caqabado."
Dhibaatooyinku waa aasaas, balse mararka qaarna waa kuwo na curyaan kara. "Ma haysanno dhaqaale habaysan ama qaab-dhismeed taageero. Ma haysanno dugsiyo gaar ah oo loogu talagalay filimada ama tiyaatarka. Ma haysanno ilaalinta xuquuqda daabacaadda oo xooggan," ayuu yiri Fiili.
Wuxuu rajaynayaa in doonista dowladda Soomaaliya ee ah in la horumariyo waaxda filimada iyo madadaalada ay wax ka qaban doonto qaar ka mid ah dhibaatooyinkan.
Aqoonsiga iyo Riyadaha
Sannadkii 2022-kii, Fiili wuxuu ka mid ahaa toban qoraa oo loo doortay "Qumra Short Program" ee machadka filimada ee Doha, Qatar, taas oo qayb ka ah barnaamij bixiya tababar, isku-xirnaan, iyo horumarin wax ku ool ah oo loogu talagalay abwaanada filimada ee Qatar iyo meelo kaleba.
Waxa kale oo uu laba jeer ku guuleystay abaal-marinnada AEAUSA, oo ka mid ah dhacdooyinka madadaalada ugu waaweyn Afrika, wuxuuna ku guuleystay abaal-marinta Jilaaga Ugu Fiican ee sanadkii 2023. Sannadkan, Fiili wuxuu la tacaalay taageerada xuquuqda muusigga ee The Village Next to the Paradise iyo Hooyo Macaan.
Hadda wuxuu soo saaraa oo hoggaamiyaa taxane cusub oo telefishin ah. Haddaba, xaggee ayuu Fiili hiigsanayaa inuu gaadho mustaqbalka?
"Riyadayda ugu weyn?" Waxaan rabaa inaan ku guuleysto Abaal-marin Akadeemiyadeed (Oscar) iyo Palme d'Or ee Cannes maalin maalmaha ka mid ah, haddii Alle idmo."
Si uu halkaas u gaadho, wuxuu u baahan yahay dhaqaale, qalab, tababar iyo iskaashi suuqgeyn caalami ah, "gaar ahaan hay'adaha suuqgeynta ee fahamsan awoodda sheekada iyo goobta."
Dhisidda Dhaxal Waara
Laga soo bilaabo xeryaha qaxootiga ilaa xafladaha caalamiga ah, Fiili wuxuu matalaa hir cusub oo fanaaniinta Soomaaliyeed ah oo diiddan in xaaladdoodu ay dabarto awooddooda.
"Anigu kaliya ma rabo inaan sameeyo filimmo," ayuu yidhi. "Waxaan rabaa inaan reebo dhaxal. Mid ka hadlaya xanuunka, quruxda, adkaysiga iyo rajada ku jirta qalbiyada dadka Soomaaliyeed."
Wiilkii toban jirka ahaa ee dhageysanayay rikoorka hooyadiis ayaa meel dheer soo gaadhay. Walina safarkiisu waa bilow.
Cabdiraxmaan Fiili: Xeryaha qaxootiga ilaa roogga cas, isagoo ah dhiirigelin cusub oo u soo kordhay dhaqanka Soomaaliya.