Ururka Midowga Afrika ayaa Arbacadii ka digay in dhismaha dowlad is barbar socota oo laga qorsheynayo Suudaan, oo ay dagaalladu aafeeyeen, uu halis gelin karo midnimada dalka, xilli ay horeyba u burburiyeen ku dhawaad laba sano oo qalalaase ah.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada rasmiga ah ee Suudaan SAF iyo Xoogagga Taageerada Degdegga ah (RSF) ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, halka ay ku barakaceen in ka badan 12 milyan, sida ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay "musiibo bini’aadannimo oo aan horay loo arag qaaradda Afrika."
Dagaalku wuxuu markii hore ka dhashay muran la xiriira ku biirista RSF-ta ee ciidamada rasmiga ah, balse wuxuu u xuubsiibtay burburinta dalka.
Hadda, ciidamada Suudaan waxay gacanta ku hayaan bariga iyo waqooyiga dalka, halka RSF ay xukumaan ku dhawaad dhammaan galbeedka Darfur iyo qeybo ka mid ah koofurta.
Bishii hore, RSF iyo xulafadooda ayaa magaalada Nairobi ku saxiixay "axdi aasaasi ah", kaasoo lagu dhisayo dowlad ka soo horjeedda tan rasmiga ah ee Suudaan. Midowga Afrika ayaa cambaareeyay tallaabadan, wuxuuna ka digay in ay keeni karto kala qeybsanaanta dalka.
Saxiixayaasha heshiiska, oo ay aragtay wakaaladda wararka AFP, ayaa qorsheynaya inay dhisaan "dowlad nabadeed iyo midnimo" oo ka hanaqaada goobaha ay maamulaan. Horaantii bishii Maarso, RSF iyo xulafadooda ayaa markale Nairobi ku saxiixay "Dastuur KMG ah."
Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah iyo beesha caalamka in aysan aqoonsan dowlad ama hay’ad kasta oo ujeeddadeedu tahay in ay kala qeybsato Suudaan.
"Ma aqoonsanayno waxa loogu yeero dowladda ama hay’adaha barbar socda ee Jamhuuriyadda Suudaan," ayuu Ururku ku sheegay bayaan rasmi ah.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa Talaadadii sheegay in dowladda barbar socota ay halis ku tahay rabitaanka dimoqraadiyadda Suudaan, iyagoo ku celceliyay bayaan hore oo uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay usbuucii hore.