Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, Abiib Muuse Faarax, ayaa Sabtidii warqadihiisii aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa.
Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Qasriga Dadweynaha ee caasimadda Dimishiq.
Waxaa xafladda goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Muhaajiriinta, Mudane Asaad Xasan al-Shaybaani.
Intii ay munaasabaddu socotay, Danjire Abiib Faarax waxa uu Madaxweyne al-Sharaa gaarsiiyay salaan iyo ducooyin uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ay la leedahay Suuriya ee dhinacyada kala duwan.
Dhankiisa, Madaxweyne al-Sharaa ayaa si diirran u soo dhoweeyay Danjire Abiib Faarax, isagoo adkeeyay xiriirka qotada dheer ee walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Wuxuu salaan kalgacal leh u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo muujiyay sida ay Suuriya u qaddarinayso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Soomaaliya iyo sida ay u danaynayso in la sii xoojiyo iskaashiga labada dhinac, si loogu adeego danta shacabka labada dal ee walaalaha ah.