CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo ka furmay Addis Ababa
Shirka ayaa hal-ku-dheg u ah "Dedejinta Xalalka Cimilada Caalamiga ah: Maalgelinta Horumarinta Afrika ee Adkeysiga iyo Cagaaran."
Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo ka furmay Addis Ababa
Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada oo ka furmay Addis Ababa. / User Upload
21 saacadood ka hor

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaa maanta si rasmi ah uga furmay Shirka Labaad ee Cimilada Afrika (ACS2), kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo Sebtembar 8-da ilaa 10-ka.

Shirkan oo lagu qabtay Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Addis (AICC), waxaa ka soo qayb galay madaxda dalalka Afrika, oo uu ku jiro Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kumanaan ergo oo ka kala socda qaaradda iyo caalamka.

Shirka ayaa hal-ku-dheg u ah "Dedejinta Xalalka Cimilada Caalamiga ah: Maalgelinta Horumarinta Afrika ee Adkeysiga iyo Cagaaran."

Ujeeddadiisu waa in la mideeyo codka Afrika ee ku aaddan isbeddelka cimilada, lana xoojiyo doorka qaaradda ee wada-xaajoodyada caalamiga ah sida COP30 iyo G20.

Waxaa la filayaa in shirka lagu ansixiyo "Bayaanka Addis Ababa" oo noqon doona qorshe-hawleed lagu uruurinayo balaayiin dollar oo maalgashi cagaaran ah.

Madaxweynayaasha ayaa shirka ka jeedin doona khudbado ay ku faahfaahinayaan istaraatiijiyadaha ay dawladahoodu uga hortagayaan dhibaatooyinka ka dhalan kara isbeddelka cimilada.

Shirkan waxaa barbar socda Shirweynihii Labaad ee Afrika iyo dalalka Caribbean-ka (Africa-CARICOM), kaas oo diiradda saaraya iskaashiga labada gobol iyo in dalalkii gumeystayaasha ahaa ay qiraan dembiyadii taariikhiga ahaa ayna bixiyaan magdhow.

Furitaanka shirka waxaa ka soo qayb galay mas'uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Madaxweynaha Angola oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika, iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us