Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkmenistan, Axmed Gurbanov, ayaa 4-tii bishaan Agoosto 2025 kulan la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamuud Mursal.
Kulankaas waxaa Wasiirka Soomaaliya ku weheliyay Danjire Fatxudin Cali Ospite oo ah safiirka Soomaaliya ee Ankara, sidoo kalena ahna Safiir aan deegaan ku ahayn Turkumenistaan.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka labada dowladood, iyagoo muujiyey doonista ay labada waddan u qabaan inay si firfircoon u horumariyaan xiriirka dhanka siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga, dhaqaalaha, dhaqanka iyo bini’aadantinimada.
Intii kulanku socday, labada dhinac waxay xuseen wax ku oolnimada iskaashiga ay ku leeyihiin ururrada caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay.
Waxaa si gaar ah loo iftiimiyey in Soomaaliya ay taageersan tahay hindisayaasha dhiirigelinaya nabadda ee Turkmenistan, ayna diyaar u tahay inay sii waddo iskaashi wax dhisaya oo loogu adeegayo nabadda iyo horumarka waara ee caalamka.
Dhanka kale, waxaa la adkeeyay in Turkmenistan ay si dhab ah u xaqiijisay ballanqaadkeeda ku aaddan mabaadi'da sare ee nabadda, ixtiraamka labada dhinac, iyo isfahamka ka dhexeeya dadka.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay muhiimadda gaarka ah ee Shirweynihii Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Wadamada Aan Baddaha Lahayn ee Kobcaya (LLDC 3), isagoo si weyn u bogaadiyey dadaalka ay Xukuumadda Turkmenistan ku bixisay martigelinta shirkaas.