Dhakhtar Falastiini ah oo diiday inuu ka baxo Qaza ka dibna ku geeriyooday xabsiyada Israa’iil
Dhakhtar Falastiini ah oo diiday inuu ka baxo Qaza ka dibna ku geeriyooday xabsiyada Israa’iil
Geerida Dr. Adnan Al-Bursh iyo diidmada ay maamulka Israa’iil ku diideen in ay dib u soo celiyaan meydkiisa, ayaa hurisay walaac xooggan oo laga qabo in la jirdilay illaa uu ka naf baxay.
8 Janaayo 2025

MURAT SOFUOGLU

Horraantii bishan, Falastiiniyiinta oo la daalaa dhacaya saameeynta dagaalka ayaa ku waabariistay naxdin weyn, iyagoo maqlay war kale oo murugo leh, kaasoo ah dilka Dr. Adnan Al-Bursh, oo la dilay isagoo oo ku jirey gacanta ciidanka militariga. Diktooru wuxuu ahaa badbaadiyihii caanka ahaa ee sii wadi jiray daaweynta bukaanada dhaawacmay xilli bambaano ku soo dhacayeen hareerihiisa.

Dr. Al-Bursh, oo ahaa madaxa qeybta lafaha ee Isbitaalka Al-Shifa ee duqaynta lagu burburiyey kuna yaalla Qaza, wuxuu ku dhintay xabsiga milatari ee Ofer ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto. Xabsigan oo loo aqoonsan yahay inuu yahay mid ka mid ah xarumaha lagu hayo maxaabiista Falastiiniyiinta iyagoo kula kulma xaalado bini’aadannimada ka baxsan.

"Waa la jirdilay ilaa uu ka dhintay, maxaabiis hore [oo isla xabsiga kula xirnaa] ayaa iyana noo sheegay in wejiga iyo madaxiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo," ayuu yiri Dr. Ghassan Abu Sittah, oo ah dhakhtar British-Falastiini ah oo ku takhasusay qalliinka qurxinta iyo dib u soo kabidda jirka, kaas oo hore uga soo shaqeeyay isbitaalada Qaza xilliyo dagaallo hore ay dhaceen.

Warka geerida Dr. Al-Bursh wuxuu soo shaac baxay uun kadib markii qaar ka mid ah maxaabiista la sii daayay 2-dii May ay u sheegeen arrintaas ururada bulshada rayidka ah ee Falastiin iyagoo ku sugnaa xuduudka Karam Abu Salem. Milatariga Israa’iil ayaa durbad xaqiijiyay wararka sheegaya in dhaqtarka uu dhab ahaantii geeriyooday 19-kii Abriil.

Israa’iil waxay diiday inay sii deyso meydka Dr. Al-Bursh, waxaana u doodeyaasha xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in sababta ay Talaabiib u diidan tahay ay tahay insan doonayn in caalamku ogaado in la jirdilay illaa uu ka naf baxay.

“Hay’adda WHO waa inay dalbataa in meydkiisa la soo celiyo si loo go’aamiyo sababta dhimashadiisa oo qoyskiisu ugu niyad fayoobaadaan. Sidoo kale nolosha 100 shaqaale caafimaad ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil ayaa hadda halis ku jirta”. ayuu yiri Abu Sittah

11-kii May, wakaaladda CNN waxay soo daabacday warbixin baaritaan ah oo ku salaysan wareysiyo lala yeeshay dad xog-ogaal ah oo ka shaqeeya xabsiyada, kuwaas oo faahfaahiyay sida Falastiiniyiinta laga qabtay Qaza loogu jirdilayay, indhaha looga xidhayay, gacmaha uga go’i jireen dhaawacyo ay ka qaadeen silsiladaha awgeed, loona garaacay loona feerayey si arxan-darro ah.

Dr. Al-Bursh iyo Dr. Ahmed Muhanna, oo ah dhaqtar kale ee Falastiini ah, ayaa la xiray bishii Diseembar iyagoo lagu soo oogay "sababo la xiriira amniga qaranka" intii u socday weerar milatari oo Israa’iil ku qaaday Isbitaalka Al-Awda ee ku yaalla xerada qaxootiga Jabaaliya ee ku taal Qaza, ayuu yiri Abu Sittah. Tan iyo markaas wax war ah lagama hayn xaaladooda ilaa Israa’iil ay xaqiijisay in Dr. Al-Bursh uu ku dhintay xabsiga Ofer.

Dr. Muhanna wali wuxuu ku jiraa xabsiga, ayuu Abu Sittah u sheegay TRT World: “Ma haysto qareen, ma haysto ICRC, cidna ma haysto.” Falastiiniyiinta la qabtay tan iyo 7-dii Oktoobar ma laha matalaad sharci ah, ma jiraan wax xiriir ah oo ay la yeeshaan qof ka baxsan xabsiga, mana jirto wax maxkamad ah oo la saaro, ayuu raaciyay.

 Iska indhatiridda xaqiiqda

 Ugu yaraan 18 Falastiiniyiin ah oo ka soo jeeda Qaza oo uu ku jiro Dr. Al-Bursh ayaa lagu dhawaaqay inay ku dhinteen gacanta Israa’iil, sida lagu sheegay bayaan ay soo sheegeen laba urur maxaabiis Falastiini ah 2-dii May.

Iyadoo ay jiraan caddeymo xoog leh oo muujinaya jirdilka ka dhex jira xabsiyada, hoggaamiyeyaasha dalalka reer galbeedka ayaa ka gaabiyay inay qaadaan wax tallaabo ah. Dhanka kale, xukuumadda Madaxweyne Joe Biden ee Mareykanka waxay ku mashquulsan tahay ka doodista nooca hubka ay tahay in la siiyo Israa’iil, oo ah xulufadooda lama huraanka ah.

“Waa muhiim in la helo baaritaanno madax-bannaan oo lagu sameeyo duruufaha ku gedaaman geerida Dr. Adnan Al-Bursh iyo kuwa kale ee ku jira gacanta Israa’iil si loo helo cadaalad iyo isla xisaabtan. Israa’iil waa inay sii deyso meydka Dr. Adnan si qoyskiisu u helo aasid karaama leh,” ayay tiri Milena Ansari, oo ah caawiye cilmi-baare kana tirsan Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) oo ku takhasustay arrimaha Israa’iil iyo Falastiin

“Ciqaab la’aantu waxay sii hurisaa xadgudubyada xuquuqda aadanaha; Israa’iil waxay sanado badan si xun ula dhaqmeysay oo u jirdileysay maxaabiista Falastiiniyiinta,” ayay Ansari u sheegtay TRT World. Inkastoo Ansari aysan sheegin in geerida Dr. Al-Bursh ay noqon karto dambiyo dagaal, hadana kooxdeedu waxay diiwaangeliyeen “jirdil iyo tacadiyo ka dhan ah maxaabiista Falastiiniyiinta”.

 Dagaal ka dhan ah kuwii dhintay

 Ka sokow warbixinada ku saabsan jirdilka iyo tacadiyada, Telaabiib waxay meelmarisay siyaasad lagu haysto meydadka maxaabiista Falastiiniyiinta.

 Sharuucda Israa’iil ayaa u oggolaanaya dowladda inay hayso meydadka Falastiiniyiinta ee ku jira gacanteeda "oo qayb ka ah barnaamijkeeda ballaaran ee ka hortagga kacdoonka," iyo inay u adeegsato "wax ay ku geli karto gorgortan," sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay Xarunta Gargaarka Sharciga iyo Xuquuqda Aadanaha ee Qudus (JLAC) sanadkii 2019.

“Sanadkii 2017, Maxkamadda Sare ee Israa’iil waxay xukuntay in dowladdu aysan sharciyan xaq u laheyn haysashada meydadka. Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2019 ayey go’aankeedii beddeshay oo taageertay siyaasadda dowladda ee ah in la haysto meydadka shakhsiyaadka ku xiran ururka Xamaas iyo kuwa dilay ama dhaawacay Israa’iiliyiinta,” ayay tiri Milena Ansari oo ka tirsan HRW.

Hase yeeshee, siyaasaddani si cad ayay uga hor imaanaysaa sharciga bini’aadannimada caalamiga ah ee ah “in la fududeeyo soo celinta haraadiga dadka dhintay marka ay codsadaan ehelkoodu,” ayay sheegtay.

“Ujeedada ah in si ula kac ah loo ciqaabo qoysaska dadka dhintay oo aan lagu eedeynin wax qalad ah waa nooc ciqaab guud ah, ahna xadgudub culus oo ka dhan ah sharciga bini’aadannimada caalamiga ah. Waxa kale oo ay noqon kartaa bahdil, bini’aadannimada ka baxsan, ama xaalad liidata oo lagu sameeyo qoysaska dadka dhintay, taas oo jabineysa sharciga xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah.”

Hadda qoyska Dr. Al-Bursh ayaa la kulmaya ciqaabtan.

“Ilaa hadda, maydkiisa lama siinin, waxaana Ilaahay ka rajeynayaa inaan lagu duugin xabaalo wadareedyada ama lagu xoorin meydkiisa meel ka mid ah koonfurta. Waxaan rabaa in uu halkan dhinaca waqooyi la keeno, oo aan ku macasalaamayn karo, oo aan arki karo sidii uu ahaa daqiiqadihiisii ugu dambeeyay ka hor inta uusan shahiidin,” ayey tiri Umm Yazan, oo ah xaaska Dr. Adnan, mar ay u waramaysay Al-Jazeera. Waxa ay si adag u aaminsan tahay in seygeeda la jirdilay illaa uu ku dhintay gacanta Israa’iil.

Ansaari, oo horey uga soo shaqaysay ururka maxaabiista Falastiiniyiinta ee Addamiir, ayaa sheegtay in siyaasaddan Israa’iil ay socotay tobaneeyo sano, meydadka badanaaba waxaa lagu hayaa talaagadda meydadka ama lagu aasaa “xabaalo wadareedka,”. Waxayna intaasi sii raacisay in “ay jiro maxbuus meydkiisa la haystay ilaa sagaashamaadkii.”

“Waa dulmi qayb ka ah nidaamka gumeysiga. Waana ciqaab loogu talagalay qoysaska iyo sidoo kale in dadka kale tusaale looga dhigo,” ayay tiri Ansaari.

Waxay sidoo kale sheegtay in Israa’iil ay u badan tahay inay dooneyso inay qariso caddeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha. Hey’adda Addamiir ayaa horey u sheegay in dhaqanka haysashada meydadku uu caqabad ku yahay baaritaanada, kuwaas oo tusi kara duruufaha dilalka aan sharciga waafaqsaneyn.

Ugu yaraan 496 shaqaale caafimaad ah ayaa lagu dilay weerarada milateriga Israa’iil 7-dii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo uu ku jiro Dr. Al-Bursh.

In ka badan 34,000 oo Falastiiniyiin ah, oo intooda badan ay yihiin haween iyo carruur, ayaa lagu dilay weerarada Israa’iil ee Qaza.

 Naxariis iyo Nabadgalyo ku led Qaza!

Dr. Al-Bursh wuxuu ku dhashay deegaanka Jabaaliya oo ku taalla waqooyiga Qaza. Wuxuu kuliyadda caafimaadka kaga qalinjabiyey dalka Romania, ka dibna wuxuu tababar caafimaad ku qaatay cusbitaalada ku yaalla UK iyo Jarmalka.

“Wuxuu ahaa qof dhabtii jecel nolosha. Subaxii aroor hore ayuu uu kici jiray si uu badda ugu dabaasho ka hor inta uusan shaqada gelin. Xitaa xilliga qaboobaha wuu dabaalan jiray. Wuxuu ahaa qof firfircoon, mar walbana faraxsan,” ayuu yiri Abu Sittah.

14-kii Noofambar 2023-dii ayaa Dr. Al-Bursh duubay muuqaal murugo leh isagoo ku sugan Isbitaalka Al-Shifa, oo ah xarunta caafimaad ee ugu weyn Qaza. Wuxuu adduunka tusay sida isbitaalka loogu khasbay inuu ku shaqeeyo iyadoo laga jaray korontada iyo biyaha.

8-dii Maayo ayaa afaafka Jaamacadda King’s College ee magaalada London lagu qabtay mudaaharaad taageero loogu muujinayey Dr. Al-Bursh, halkaas oo aheyd meeshii uu ku qaatay tababarka takhasuska qalliinka lafaha.

“Dr. Adnan Al-Bursh wuxuu shaki la’aan ahaa astaanta muujinaysa dhibaatada Falastiiniyiinta iyo sidoo kale adkeysiga iyo geesinimadooda. Noloshiisa wuxuu u huray sidii uu u bogsiin lahaa una daweyn lahaa dadka,” ayuu yiri Sami al Arian, oo ah bare jaamacadeed Falastiini-Maraykan caan ah.

“Waxaa la xiray isagoo gudanaya waajibkiisa ah dhakhtar qalliin lafaha ah oo ka shaqeynaya isbitaal xilligii dagaalka,” ayuu Al-Arian u sheegay TRT World.

Al-Arian ayaa sii raaciyey isagoo tilmaamay inuu “noloshiisa u huray” si uu u hubiyo in Falastiiniyiinta aysan “ka tanaasulin xuquuqdooda,” isla markaana ay sii wadaan inay ka hortagaan dulmiga Israa’iil ilaa ay ka helayaan madaxbannaanidooda.

“Wuxuu ahaa dhakhtar heer sare ah iyo qof bini’aadannimo oo layaab leh oo dhammaan dadka aan la hadlay ay si qoto dheer uga sheekeeyaan wanaaggiisa,” ayuu yiri Kamel Hawwash, oo ah aqoonyahan iyo falanqeeye British-Falastiini ah.

“Waxay kaliya muujinaysaa in Israa’iiliyiintu aysan u arkin Falastiiniyiinta inay yihiin bini’aadam,” ayuu Hawwash u sheegay TRT World.

Hawwash wuxuu sheegay in diidmada Israa’iil ee ah in la siiyo qoyska Dr. Al-Bursh meydkiisa ay tahay “ficil aargoosi” oo ka dhan ah Falastiiniyiinta. Wuxuu rajeynayaa in maalin uun Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Israa’iil lagu maxkamadeyn doono Hague iyagoo ah dambiilayaal dagaal falalkooda ka dhanka ah Falastiiniyiinta darteed.

Waxaa suurtogal ah in waxa Israa’iil, xadgudubyadeeda oo dhan ka sokow, aysan fahamsaneyn in Falastiiniyiinta Qaza aysan marnaba ka tegi doonin guryahooda. Arrintaasna waxaa marqaati muuqda u ah Noloshii Dr. Al-Bursh.

“Isagoo tababar caafimaad ku soo qaatay Jarmalka, Urdun iyo UK, wuxuu si fudud shaqo uga heli karay meelo kale oo caalamka ah. Balse markaan weydiiyay xilligii dagaalkii 2021 ‘Mar uun ma dareentay shallaayto ah inaad dib u soo noqotay?’ Dr. Al-Bursh wuxuu ii sheegay in aanu marnaba ku fikiri karin inuu noloshiisa ku qaato meel kale oo aan ahayn Qaza,” ayuu yiri Ghassan Abu Sittah.

 Xigasho: TRT World

XIGASHO:TRT World
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us