Turkiga ayaa xusay sannad guuradii koowaad ee geerida Aysenur Ezgi Eygi, oo ahayd muwaadinad u dhalatay Turkiga oo ay dileen ciidamada Israa’iil xilli ay ka qaybqaadanaysay dibadbax ka dhacay Daanta Galbeed ee la haysto 6-dii Sebtembar 2024.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sabtidii, iyadoo lagu xusayo sanad guuradii geerideeda, waxay ku maamuustay Eygi "naxariis iyo xushmad," iyadoo cambaareysay dilkeeda oo ah ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Bayaanka ayaa lagu yiri: "Dilka dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan waa calaamad muujinaysa xaqiraadda nolosha aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah. Turkiga wuxuu si go’aan leh u sii wadi doonaa dadaalladiisa si loo hubiyo in dambigaas culus ee ka dhanka ah Aysenur uusan ciqaab la'aan ku dhaafin."
Dibadbax ka dhan ah degsiimooyinka sharci darrada ah ee Israa’iil
Ezgi oo ahayd 26 jir haysata laba dhalasho oo kala ah Turkiga iyo Maraykanka, ayaa waxaa dilay militariga Israa’iil xilli ay ka qeybqaadanaysay dibadbax looga soo horjeeday degsiimooyinka sharci darrada ah ee Israa’iil ee magaalada Beita, oo u dhow Nablus 6-dii Sebtembar 2024.
Inkasta oo ay jiraan muuqaalo iyo marqaatiyo muujinaya in qofka toogta ee Israa’iil uu bartilmaameedsaday, ayaa haddana natiijada hordhaca ah ee milatariga Israa’iil ay sheegtay in ay "suuragal tahay" in si "dadban oo aan ulakac ahayn" ay u heshay, markii ay ciidamadooda rasaas ku fureen dibadbaxayaasha oo la sheegay inay dhagax tuurayeen.
Qoyskeeda, saaxiibadeed iyo goobjoogayaal ayaa diiday sheegashada Israa’iil, iyagoo dilkeeda ku tilmaamay weerar ulakac ah oo lagu qaaday dibadbaxe nabadeed, waxayna ku booriyeen dowladda Mareykanka inay bilawdo baaritaan madaxbanaan.
Ilaa maanta, cidna lama xisaabtamin.
Dacwad oogayaasha Turkiga ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dilka Eygi, laakiin ilaa iyo 4-tii Sebtembar 2025-ka, baaritaanku wuu socdaa.