Boqollaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyin dhowr ah oo Israa’iil ku yaal, iyagoo dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qaza lana gaaro heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah oo lala galo Falastiiniyiinta.
Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa baahiyay in boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ay isugu soo baxeen magaalada Tel Aviv habeenimadii Talaadada.
Dadweynaha ayaa kaga dalbanayay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu heshiis la gaaro Xamaas si loo soo celiyo la-haystayaasha ku sugan Qaza, xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay in la joojiyo dagaalka.
Isu-soo-baxa ugu weyn ayaa ka dhacay fagaaraha loo yaqaanno "Hostages Square," iyadoo dibadbaxayaashu ay buux dhaafiyeen waddooyinka ku hareeraysan.
Sida uu sheegay telefishinku, qoysaska la-haystayaasha ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii isugu soo baxay, waxaana la arkayay dadweyne waddooyin waaweyn xiraya iyagoo gubaya taayaro.
Sida ay ku warrantay idaacadda KAN ee dowladda, kooxo kale oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee guryaha wasiirro ka tirsan xukuumadda.
Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Gideon Sa'ar, oo deggen bartamaha Israa’iil iyo Wasiirka Arrimaha Istaraatiijiyadda, Ron Dermer, oo ku sugan magaalada Qudus.
Halkan ka daalaco qeyb ka mid ah sawirada: