Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay dhismaha cusub ee Safaaraddeeda dalka Aljeeriya, taas oo calaamad u ah xoojinta xiriirkii taariikhiga ahaa ee labada dal.
Munaasabadda xarig-jarka waxaa si wadajir ah u shir gudoomiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afrika, Salma Bakhita Mansuur.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Xasan Axmed (Yusuf Jeego), iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda martida loo yahay.
Furitaanka safaaradda ayaa la filayaa inuu bilow u noqdo iskaashi laba geesood ah, gaar ahaan xilligan oo labada dalba ay xubno ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Salma Bakhita Mansuur, oo munaasabadda ka hadashay, ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in labada dal ay ka wada shaqeeyaan difaaca danaha guud ee qaaradda Afrika.
Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa dhankiisa u mahadceliyey dowladda Aljeeriya taageerada joogtada ah ee ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay xiriirka labada dal mid qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam.
Kulamo lagu xoojinayo iskaashiga labada dal
Intii uu ku sugnaa Algiers, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhiggiisa Aljeeriya, Axmed Ataf.
Kulankan oo si qoto dheer looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, ayaa labada Wasiir waxay isla gartaan in la sameeyo guddi heer wasiir ah oo ka shaqeeya adkeynta iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, tababarrada diblomaasiyadda, iyo xoolaha.
Waxay sidoo kale si wadajir ah uga wada hadleen xaaladaha ka taagan gobolka, oo ay ka mid yihiin colaadaha Suudaan, Gaza, iyo xaaladaha ka jira Geeska Afrika iyo Saaxil. Labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah si loo gaaro xasilooni waarta oo ka hanaqaada dhammaan gobolka.
Wasiir Axmed Ataf ayaa dhankiisa u mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya booqashada iyo dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka, wuxuuna ballanqaaday in Aljeeriya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.