CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Xiriirka Turkiga iyo Afrika oo sii xoogaysanaya
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ah hoggaamiyaha caalamka ee ugu booqashada badan qaaradda, isagoo 53 jeer booqday 31 dal intii uu xilka hayay.
Xiriirka Turkiga iyo Afrika oo sii xoogaysanaya
Xiriirka Turkiga iyo Afrika oo sii xoogaysanaya / TRT Global
7 Agoosto 2025

Marwalba Turkigu wuxuu sii xoojinayaa xiriirka iskaashi ee waxtarka u leh labada dhinac ee uu la leedahay dalalka Afrika oo dhan, iyadoo qaaradda Afrika — oo ah hoyga qiyaastii 18% dadka caalamka — ay door istiraatiiji ah oo sii kordhaya ka ciyaarayso masraxa caalamiga ah, taasoo ay ugu wacan tahay tirada badan ee dhallinyarada iyo kheyraadka dabiiciga ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ah hoggaamiyaha caalamka ee ugu booqashada badan qaaradda, isagoo 53 jeer booqday 31 dal intii uu xilka hayay. Shantii sano ee u dambeysay kaliya, tirada booqashooyinka heerka sare ee ay is dhaafsadeen madaxda Turkiga iyo Afrika waxay ka badan tahay 500 oo booqasho.

Laga bilaabo safaaradaha iyo maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha ilaa mashaariicda horumarineed, iskaashiga milateri iyo barnaamijyada tababarka, raadka Turkiga ee Afrika waa uu sii ballaaranayaa dhan walba.

Halkan ka eeg faahfaafin dheeraad ah:

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us