Ciidanka Millatariga Suudaan ayaa si adag u beeniyay eedeyn uga timid Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), taas oo ah inay iyagu duqeyn cirka ah la beegsadeen gawaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Hay'adda Cunnada Adduunka (WFP), kuwaas oo gargaar bani'aadamnimo u waday gobolka Darfur.
Ciidanka Suudaan ayaa bayaan ay ku daabaceen baraha bulshada ee X (Twitter), ku sheegay in eedeymaha RSF ay yihiin “kuwo been abuur ah” loogana golleeyahay in lagu qariyo weerarkii ay RSF laftoodu ku qaadeen kolonyada gargaarka, weerarkaas oo ka dhacay magaalada Mellit.
Bayaankoodaasi ayaa sidoo kale lagu eedeeyay RSF “in ay geysteen xadgudubyo joogto ah” tan iyo markii uu bilowday dagaalku.
Waxaa intaa dheer, ciidanka ayaa ku eedeeyay RSF in ay xeradii dadka barakacayaasha ah u beddeleen goobo lagu tababarto, iyagoo kaashanaya calooshood u shaqeystayaal shisheeye ah.
"Dowladda, oo furtey waddooyinka gargaarka, oo ay ku jirto isgoyska Adré ee xuduudka Chad, ma jirto sabab ay ku beegsan karto gawaari sidda gargaar loogu talagalay shacabkeena," ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay ciidanka dowladda.
Ciidanka oo ku dhaartay in ay sii wadi doonaan dagaalka RSF
Ciidamada Militariga Suudaan ayaa ku dhaartay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ku la dagaalamayaan RSF iyo waxa ay ugu yeereen “taageerayaashooda shisheeye”, ilaa inta “qaranka laga xoreynayo dembiyadooda.”
Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada RSF waxaa gacantooda ka baxay dhul ay horey u haysteen, waxaana ciidanka dowladda ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dhowr degaan oo hoostaga gobollada Khartoum iyo White Nile.
Ciidamada RSF ayaa hadda gacanta ku haya qaybo ka mid ah waqooyiga iyo galbeedka gobolka Kordofan, jeebado koofurta Kordofan iyo Blue Nile, iyo afar ka mid ah shanta gobol ee Darfur.
Dagaalka u dhexeeya ciidanka militariga iyo RSF, oo bilowday bishii Abriil 2023, ayaa sababay dhimashada in ka badan 20,000 oo qof iyo barakaca 14 milyan oo qof oo kale, sida ay sheegeen Qaramada Midoobey iyo mas'uuliyiinta deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris ay sameeyeen jaamacado Maraykan ah ayaa ku qiyaasay tirada dhimashada illaa 130,000 oo qof.