Warbaahinta dawladda Israa’iil ayaa baahisay in dowladda Israa’iil ay ka fekerayso inay biyaha ka jarto waqooyiga Qaza, taasoo qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu doonayo in lagu barakiciyo shacabka Falastiin ee degan halkaasi.
Sida laga soo xigtay Warbaahinta Dawladda Israa'iil, dowladda ayaa doonaysa inay yarayso biyaha ay siiso waqooyiga Qaza iyadoo "dayactir" ku samaynaysa tuubooyinka biyaha ee koonfurta si ay ugu diyaar garowdo inay Falastiiniyiinta ka saarto magaalada Qaza.
Warbaahintaas oo lagu magacaabo KAN, ayaa sidoo kale soo xigatay in xukuumadda Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ay ka fiirsanayso tallaabadaas, iyadoo ka shaqaynaysa hagaajinta laba tuubo oo si toos ah biyaha u gaarsiin jirtay koonfurta Qaza.
Tallaabadan ayaa soo baxday iyadoo Israa'iil ay wajahayso eedeymo adag oo ku saabsan inay "hub ahaan" u adeegsanayso biyo la'aanta, gaajada, iyo xayiraadaha gargaarka bani'aadamnimo, taasoo qeyb ka ah waxa dad badan ku tilmaameen xasuuq ka socda Qaza.
Tan iyo bishii Jannaayo, Israa'iil waxay jartay biyaha Mekorot, oo ah shirkadda biyaha Israa'iil, taasoo ahayd mid ka mid ah ilaha ugu dambeeyay ee biyaha siiya gobolka.
9-kii Maarso, ciidamada Israa'iil waxay jareen khadkii korontada ugu dambeeyay ee u tamarta siinayey warshadda biyaha sifaysa ee ku taal koonfurta Deir al Balah, taasoo keentay in xaaladda biyuhu ay ka sii darto.
"Hawlgalka Gideon’s Chariots 2 " iyo Qabsashada Qaza
Arbacadii, Wasiirka Difaaca Israa'iil, Yoav Gallant, ayaa ansixiyay qorshe milatari oo loogu magac daray "Hawlgalka Gideon’s Chariots 2" si loo qabsado magaalada Qaza, inkastoo ay socdaan dadaallo dhexdhexaadin ah iyo in Xamaas ay aqbashay soo jeedinta xabbad-joojinta.
Golaha Dagaalka ee Israa'iil ayaa horraantii bishan ansixiyay qorshaha Netanyahu ee ah in dib loo qabsado dhammaan Qaza. Marxaladda koowaad waxay ku baaqaysaa in la qabsado magaalada Qaza iyadoo dadkeeda oo tiradooda lagu qiyaasay 1 milyan loo barakicinayo koonfurta. Waxaa la filayaa in diyaar garowgu uu ku dhammaado saddex toddobaad gudahood.
Marxaladda labaad ee qorshaha waxaa ka mid ah qabsashada xeryaha qaxootiga ee ku yaalla bartamaha Qaza.
In ka badan 800,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa la qorsheeyay in loo wareejiyo "goobaha bani'aadamnimada" ee koonfurta, halkaas oo looga dhisi doono hoy, isbitaallo, iyo kaabayaasha biyaha.