Dowladda Kenya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii dhimashada sababay ee ay Israa’iil Talaadadii, 9-kii Sebteembar 2025, ka fulisay magaalada Doxa, ee Qadar, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Qurbajoogta ee dalka Kenya oo fadhigeedu yahay Nairobi ayaa Khamiistii soo saartay bayaan ay ku cambaareyneyso ficillada Israa’iil.
Bayaanka ayaa lagu yiri: "Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay walaac weyn ka muujinaysaa weerarkii ka dhacay dhisme ku yaal dalka Qadar, kaasoo sababay khasaare, dhimasho iyo burbur hanti. Israa’iil ayaa qiratay in ay iyadu geysatay duqeyntaas.
Weerarku ma aha oo kaliya xadgudub cad oo lagu sameeyay madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee Dawladda Qadar, laakiin sidoo kale wuxuu khatar weyn ku yahay nabadda iyo amniga gobolka iyo kan caalamka."
Kenya waxay intaa ku dartay in ficillada noocan oo kale ah ay si toos ah ugu xadgudbayaan sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da ku xusan Baaqa Qaramada Midoobay ee 1970-kii ee ku saabsan Mabaadi’da Sharciga Caalamiga ah ee la xiriira xiriirrada saaxiibtinimo iyo iskaashiga dawladaha.
Bayaanka waxaa lagu soo gabagabeeyay: "Kenya waxay ugu baaqaysaa beesha caalamka inay u istaagaan raadinta nabadda, ayna taageeraan dadaallada dhabta ah ee ku wajahan xalka laba-dawladood oo ah dariiqa kaliya ee suurtagalka ah ee lagu gaari karo nabad waarta iyo wada-noolaansho ka dhaca Bariga Dhexe."
Dhinac kale, magaalada Nairobi, intii uu socday shir-saddexdii biloodlaha ah ee diblomaasiyadeed ee Khamiistii gelinkii hore, Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Qurbajoogta, Musalia Mudavadi, ayaa ku celiyay sida ay Kenya uga go'an tahay nabadda, wadahadalka, iyo sharciga caalamiga ah.
Mudavadi wuxuu yiri: "Kenya waxay u dooda, hadda iyo wixii ka dambeeya, waddo nabadeed iyo wadahadal lagu xalliyo khilaafaadka. Sidaa darteed, Kenya waxay taageertaa Baaqa loogu talagalay hirgelinta shirka xalka laba-dawladood ee la qabtay Luulyo 2025-ka ee New York. Baaqaasi wuxuu xoogga saaray baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto si loo helo xal nabad waarta."
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in Shirka Caalamiga ah ee Heerka Sare ee ku saabsan Xallinta Nabadda ee Arrinta Falastiin iyo Hirgelinta Xalka Laba-Dawladood, ee lagu qabtay New York, uu ahaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xagga xaqiijinta nabad caddaalad ah, waarta, iyo mid dhammaystiran oo ka dhacda Bariga Dhexe.
Dowladda Kenya waxay sidoo kale ku boorisay dhammaan dhinacyada inay is-xakameeyaan, ayna ixtiraamaan madaxbannaanida iyo sharafta dhuleed ee dawladaha kale, ayna wadahadal iyo diblomaasiyad ka hormariyaan rabshadaha.