Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka mamnuucday shirkadaha difaaca ee Israa'iil inay ka qayb galaan shirweynaha difaaca oo la filayo in bisha soo socota lagu qabto Dubai, sida ay baahisay warbaahinta Israa'iil, Arbacadii.
Sida laga soo xigtay wargeyska Yedioth Ahronoth, Wasaaradda Difaaca ee Israa'iil ayaa loo sheegay in shirkadaha aan loo oggolaan doonin inay ka soo qayb galaan shirkaasi, waxaana go'aankani si toos ah loo gaarsiiyay maamulayaasha warshadaha.
Inkasta oo sharraxaadaha rasmiga ah ay ku sheegeen arrimo amni, haddana mas'uuliyiin sare oo Israa'iil ah ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay jawaab looga bixinayo weerarkii Talaadadii ay Israa'iil ku beegsatay hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas ee caasimadda Qadar, Doxa.
Ma jiro wax war ah oo rasmi ah oo ka soo baxay dawladda Imaaraadka Carabta oo ku saabsan xayiraadda la sheegay.
Talaadadii, Israa'iil ayaa fulisay weerarkeedii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Qadar, iyadoo beegsatay guryaha hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Xamaas ee kusugan Doxa, iyadoo dowladda Khaliijku ay martigelinaysay wadahadallo xabbad-joojin ah oo ay dhexdhexaadinayeen Masar iyo Mareykanka.
Qadar ayaa cambaareysay weerarkaas, iyagoo ku tilmaamay "fal fulaynimo ah" iyo xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, waxayna ka digtay inaysan u dulqaadan doonin "dhaqanka xanaaqsan" ee Israa'iil.
Xamaas ayaa markii dambe xaqiijisay in hoggaankeeda siyaasadeed ay ka badbaadeen weerarka cirka ee Israa'iil oo ay ku dhinteen shan xubnood oo ka tirsan kooxda.