Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Dagaalo oo ku magac dheer 'Xemeedti', ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxa dowlad cusub oo ka dhisantay Suudaan.
Bayaan Axaddii kasoo baxay Isbahaysiga Aasaaska Suudaan, oo ah isbahaysi uu hoggaamiyo RSF, ayaa lagu sheegay in Xemeedti lagu dhaariyay magaalada Nyaala, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Daarfuur ee galbeedka Suudaan.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Cabdilcasiis Aadam al-Hilu loo dhaariyay inuu noqdo ku-xigeenka Dagalo, iyadoo xubnaha golaha madaxtooyada oo ka kooban 13 kursi la dhaariyay.
26-kii Luulyo, isbahaysigu wuxuu ku dhawaaqay dhismaha dowlad cusub oo uu hoggaaminayo Dagaalo.
Heshiis siyaasadeed lagu saxiixay Kenya
Bishii Febraayo, RSF iyo kooxo kale oo xulufo la ah ayaa saxiixay heshiis siyaasadeed oo ka dhacay Kenya si loo soo dhiso dowlad cusub oo ka dhalata Suudaan, tallaabadaas oo ay dowladda Khartuum si adag uga soo horjeesatay.
14-kii Agoosto, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday dhismaha maamulka cusub ee ka jira meelaha ay RSF gacanta ku hayso, iyagoo ku tilmaamay inay tahay ku xadgudub madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suudaan.
Ciidamada Suudaan iyo RSF ayaa dagaal ku jiray tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof, halka 14 milyan oo kale ay ku barakaceen, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris ay sameeyeen jaamacado Mareykan ah ayaa ku qiyaasay tirada dhimashada in ay ku dhowdahay 130,000.