4 daqiiqo akhris
Muuqaalo: Xumbo sun ah oo qarisay webi la siyaarto oo ku yaalla caasimadda Hindiya.
Malaayiin qof ayaa isku diyaarinaya in ay la qabsadaan dikhowga sii xumaanaya inta lagu jiro xilliga ciidaha, Diwali iyo Chhath Puja.
Muuqaalo: Xumbo sun ah oo qarisay webi la siyaarto oo ku yaalla caasimadda Hindiya.
Shaqaalaha Delhi Jal ama guddiga biyaha ayaa dhigay shiraac maro ah si ay u xannibaan qulqulka xumbada sunta ah ee dul sabaynaysa wabiga Yamuna ee ku yaalla New Delhi, Hindiya, Talaado, Oktoobar 29, 2024. / Sawirka: AP
13 Janaayo 2025

Mid ka mid ah wabiyada ugu siyaarada badan Hindiya, Yamuna oo ku yaalla New Delhi, ayaa waxaa ku daboolan xumbo cad oo sun ah, iyadoo qaybo ballaaran oo wabiga ah lagu arkayo xumbadan oo ay sababayaan kiimikooyinka warshaduhu ku shubaan wabiga agagaarkiisa. Dikhowga wabiga wuxuu halis caafimaad oo culus ku yahay dadka deegaanka, maadaama wabigan uu yahay isha in ka badan kala bar biyaha caasimadda Hindiya.

Sidoo kale, New Delhi ayaa sannad walba ka mid noqota magaalooyinka ugu dikhowga badan adduunka dhanka hawada, ciidaha ayaana xilligan xaaladda sii xumeynaya.

Cabbirka tayada hawada ayaa Talaadadii gaaray heer “aad u liita” oo gaaraya 273, taasoo ka badan 18 jeer heerka tayada hawada ee ay ogolaatay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO). Walxaha yaryar ee xajmigoodu le’eg yahay qiyaastii PM 2.5 ayaa si qoto dheer u geli kara sambabada, kuna sababi kara cudurro.

Si kastaba ha ahaatee, dadka Hinduuga ah ee mayalka adagi kama tanaasulin caadooyinkooda diineed ee wabiga Yamuna. Subaxnimadii Talaadada, lammaane dhallinyaro ah ayaa ka mid ahaa koox soo booqatay daafaha wabiga, halkaas oo ay ku maydheen kadibna ka tageen.

Jasraj, oo ah nin 70-jir ah shaqaale dawladeed oo hawlgab ah, ayaa sheegay in uu wabiga u booqanayay si joogto ah tan iyo 1980kii si uu ugu meydho.

"Waxaan wabiga u ixtiraamaa sida hooyo oo kale, mana jiraan su'aalo la xiriira in uu nadiif yahay ama wasakhaysan yahay. Dusha sare ayuu ka wasakhaysan yahay laakiin guntiisu waa nadiif," ayuu yiri Jasraj.

Imran Khan, oo ah arday ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in aad u neefsato si sax hawada wasakhaysan ee Delhi awgeed.

"Dadku waxay halkaan u yimaadaan orodka jimicisiga ah ee aroornimo, laakiin iyaguna waxay la kulmayaan dhibaatooyin. Deegaankeennu waa inuu ka nadiif ahaadaa," ayuu yiri.

Shishupal Kumar, oo ah shaqaale qandaraasle ah, ayaa sheegay in dadku ka yimaadaan meelo fog-fog si ay caadooyinkooda diineed ugu gutaan wabiga agtiisa.

"Wabigu si buuxda ayuu u wasakhoobay. Waxaa ka buuxa kiimikooyin. Waxaad modaysaa sidii baraf da’ay, sida barafka ku da’a buuraha oo kale" ayuu Kumar yiri.

Wabiga Yamuna oo ah 1,376-kiloomitir ayaa ka mid ah wabiyada ay ugu booqashada badan yihiin Hinduugu, laakiin sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah kuwa ugu wasakhaysan dunida. Wabiyadan si halis ah u caafimaad-xun ayaa walaac ku haya dad badan, gaar ahaan iyadoo wasakhowga la filayo inuu sii xumaado xilliga Chhath Puja, oo ah ciid Hindu ah.

Inkasta oo ay jiraan sharciyo ka dhanka ah wasakheynta iyo hay’ado sameeyay dhirta lagu daweeyo bulaacadaha oo fara badan, haddana webiga ayaa sii wasakhoobayey sannadihii la soo dhaafay maadaama bullaacadaha, sunta beeraha iyo wasakhda haraadiga warshadaha ay ku qulqulayeen biyaha webiga.

Maamulka New Delhi ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay adeegsanayaan kiimikooyinka lagula tacaalo xumbada si loo xalliyo dhibaatada. Maamulka ayaa howl-galiyay doomo badan oo mashiino ku rakiban yihiin si ay u kala firdhiyaan xumbada sunta ah, sidoo kalena waxay dhiseen xirmooyin geedka bamboo ga ka sameysan si dadka looga fogeeyo hareeraha webiga.

Mas’uuliyiintu waxay ka walaacsan yihiin in kumanaan Hindu ah ay bisha soo socota ay galaan webiga iyadoo biyaha xumbaysan ee sunta ah ay u joogaan jilbaha, mararka qaarkoodna ayba maquurtaan si ay ugu dabaal-degaan munaasabadda Chhath Puja.

Magaala madaxda Hindiya oo ay ku nool yihiin in ka badan 20 milyan oo qof, ayaa khaasatan xilliga jiilaalka noqota meel ay ka jiraan dhibaatooyin caafimaad oo badan. Magaalada waxaa daboola hawo sun ah oo aan cirka qarisa. Heerarka dikhowga ayaa cirka isku shareera maadaama malaayiin Hindu ah u dabaal-degaan munaasabadda “Diwali,” oo ah dabaal-degga iftiinka, taasoo la socota qaraxyo waaweyn oo shucaac ah. Khamiista ayaana la xusi doonaa Diwali.

Beeralayda ku nool gobollada beeraha ee ku dhow-dhow New Delhi ayaa sidoo kale dab qabadsiiya beerahooda kadib goosashada dalagga si ay ugu diyaariyaan xilli beereedka xiga.

Maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa horraantii bishan ku dhaceeleysay gobollada waqooyi ee Hindiya inay qaadi waayeen tallaabooyin adag oo ka dhan ah dadka gubaya haraaga dalagga ka hor xilliga jiilaalka, taasoo sii xumeyneysa dikhowga hawada ee gobolka.

Sannad kasta, mas’uuliyiintu waxay xiraan goobaha dhismaha, waxay sidoo akle xaddidaan gaadiidka shidaalka naaftada ah ku shaqeeya, waxayna adeegsadaan gaadiidka biyaha ku buufiyaha waddooyinka iyo qalabka ka hortagga ceeryaamada si ay ula tacaalaan qiiqa iyo ceeryaamada qarisa cirka caasimadda.

XIGASHO: AP

Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us