CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Maraykanka: Ardayad Turki ah oo la xirey fiisaheedana lalaalay
Laamaha Socdaalka Mareykanka ayaa xirey Rumeysa Ozturk, oo ah aqoonyahanad iyo cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Tufts.
Maraykanka: Ardayad Turki ah oo la xirey fiisaheedana lalaalay / TRT Global
28 Maarso 2025

Laamaha Socdaalka Mareykanka ayaa xirey Rumeysa Ozturk, oo ah aqoonyahanad iyo cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Tufts. Waxaa lagu eedeeyay in ay ka qeybgashay dibadbaxyo lagu taageerayo Falastiin. Waxay sidoo kale si wadajir ah wax uga qortay maqaal ka soo baxay Tufts Daily oo ku tilmaamay falalka Israa’iil ee Gaza kuwo “xasuuq” ah iyadoo la tixraacayo sharciga caalamiga ah, isla markaana cambaareysay jaamacadaha hor-istaaga bannaanbaxyada.

Mas’uuliyiinta Laanta Socdaalka Mareykanka ayaa sheegay in la masaafurin doono.


Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us