Iswiidhan ayaa muhaajiriinta ka dalbanaysa in ay ku noqdaan waddamadooda. Abaalmarintuna waa $34,000 qoyskiiba
Iswiidhan ayaa muhaajiriinta ka dalbanaysa in ay ku noqdaan waddamadooda. Abaalmarintuna waa $34,000 qoyskiiba
Hodmidda dhaqaale ee degdegga ah ee Sweden waxay ka tarjumaysaa isbeddel ballaaran oo ka jira Midwoga Yurub, halkaasoo kororka xag-jirka midig ay hurinayaan dareen ka soo horjeeda soo-galootiga.
28. helmikuuta 2025

Qalinkii: Berra Ince

Iswiidhan waxay siineysaa lacag dhan 34,000 oo doolar oo qoyskiiba ah si ay ugu noqdaan dalalkooda, iyadoo tani tahay mid ka mid ah farsamooyinka dalalka qaar ee Galbeedku ay ku doonayaan inay ku yareeyaan tirada dadka magangalyo doonka ah. Siyaasadda cusub ee Iswiidhan, oo la qorsheynayo in la  dhaqan geliyo sannadka 2026, waxay muujineysaa koror ballaaran marka loo eego lacagta deeqda ah ee hadda la bixiyo iyada oo la gaarsiin doono $970 qofka weyn iyo $485 ilmaha ah.

Intii uu socday shir jaraa'id oo la qabtay 12-kii Sebtembar, wasiirka socdaalka ee Iswiidhan, Johan Forssell, ayaa ku tilmaamay siyaasadda cusub inay tahay "Jiho badalasho" oo ku saabsan waddankan Nordicka ah oo 2015-kii furay xuduudihiisa si uu u soo dhaweeyo 162,877 qof oo magangalyo doon ah, oo u badan Suuriyaan, Afgaan, iyo Ciraaqiyiin, isagoo ku macneeyey inay tahay "awood bani’aadamnimo".

Nidaamkan deeqda ah, oo la hirgeliyey 1984, waxaa loogu talagalay in lagu bixiyo dhiirigelin dhaqaale si muhaajiriinta ay si ikhtiyaari ah ugu noqdaan dalalkooda, hase yeeshee, hal qof oo keliya ayaa aqbalay dalabkaas sannadkii hore, sida uu sheegay Forssell.

Haddii dad badan ay ku baraarugaan in deeqdan la kordhiyey, waxay u badantahay in dad badan  ay aqbalaan dalabkaas, sida uu sheegay Ludvig Aspling oo ka tirsan xisbiga Sweden Democrats oo la hadlay warfidiyeennada. 

Markii uu xukunka qabtay 2022, Ulf Kristersson, oo ah ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee taariikhda Iswiidhan ee taageero ka hela xisbiga Dimuqraadiga midigta fog ah ee Sweden, wuxuu ballan qaaday inuu qaadan doono mowqif adag oo ka dhan ah dhinacyda socdaalka iyo dambiyada.

Tallaabada Iswiidhan waxay la jaanqaadaysaa isbeddelka ballaaran ee ka muuqda dalalka deriska ah, kuwaas oo sidoo kale si weyn u adkeeyay siyaasadahoodan ku aaddan socdaalka.

Denmark

In kasta oo Denmark ay ka jirto xukuumad wadajir ah oo uu hoggaaminayo xisbi bidixda dhexe ah, haddana waddanku wuxuu leeyahay qaar ka mid ah siyaasadaha ugu adag iyo isticmaalka oraahyda kala qaybinta ah ee ku saabsan socdaalka ee Midowga Yurub. Sannadkii 2010-kii, dowladda Denmark waxay billowday inay magaca "isku-raran" ugu yeerto xaafadaha dakhligoodu hooseeyo oo ay ku badan yihiin dadka laga tirada badan yahay, inkasta oo markii dambe loo beddelay “bulshooyinka is feer socda” sababo la xiriira macne xumada magaca hore.

“isku raran”- meelaha loogu loogu wacay waxay ahaayeen deegaannada dadka qaxootiga ah ama asal ahaantooda aan ahayn reer Galbeedka ay ka badanyihiin konton boqolkiiba.  Sannadkii 2018-kii, Denmark waxay meel marisay sharciyo ku hoos yaal “Xirmada Isku-rararn” oo loogu talagalay in lagu yareeyo guryaha bilaashka ee loogu talagalay qoysaska danyarta ah illaa 40 boqolkiiba marka la gaaro 2030-ka.

Marka loo eego "Xirmada Ghetto," dowladda Denmark waxay oggolaatay in la dumiyo guryaha ku yaalla xaafadaha dakhligoodu hooseeyo oo badankood ay Muslimiintu ku badan yihiin si loo beddelo qaab dhismeedka bulsho ee goobahaas. Maalgeliyaal khaas ah ayaa laga iibiyey dhismayaashii deegaankaas, kuwaas oo u beddelay guryo raaxo leh, taasoo ujeedku yahay in dadka danyarta ahi ka qaxaan goobahaan maaddaama aysan awoodin kirada cusub ee sare u kacday. 

Sidoo kale xaafadahaas,  dhaqanka la qabsashada ama la falgelidda dadka kale wuxuu noqday mid shardi ah halkii uu ikhtiyaar u ahaan ahaan lahaa dadka doonaya inay sii joogaan.

Tan iyo 2019-kii, dhammaan qoysaska ku nool xaafadaha loogu magacdaray “isku-raran”ta waa inay carruurtooda ka weyn hal sano ka diiwaan geliyaan xarumaha xanaanada halkaas oo lagu barayo "qiyamka Danishka" iyo afka, iyadoo kuwa aan arrinkaas aqbalin laga  joojinayo cayrta ay qaataan ama kaalmada bulsho ee la siiyo. 

Talaabo kale oo muran dhalisay ee ku hoos jirta Xirmada Isku-raran, dadka dembiyada ka gala xaafadaha “Isku-raran”-tu waxay wajahayaan xukuno labanlaab ka badan kuwa  dembiyada la midka ah ka gala meelaha kale. Waxaa hadda jira 12 goobood oo noocaas ah oo ku yaal Denmark halkaas oo dadka ka soo jeeda dalalka aan Galbeedka ahayn iyo dhashoodu ay ka yihiin in ka badan 50% bulshada.

Xaaladda ka jirta xeryaha xabsiyada Denmark ayaa ah mid adag, halkaas oo dadka loo diiday in loo ogolaado deggenaanshaha ay la kulmaan xarig aan xaddidnayn, badanaa waxay ku jiraan xaalad xadidan, oo adeegyada caafimaadka iyo talooyinka sharci ah ay aad ugu yar yihiin.

Sannadkii 2016-kii, Denmark waxay meel marisay sharci muran badan dhaliyay oo loo yaqaan "aar goyn" kaas oo u oggolaanaya dowladda Denmark inay la wareegto hantida qaxootiga haddii ay ka badan tahay £1,000 si loogu daboolo kharashka joogistooda.

Boqortooyada Ingiriiska

Ka hor inta aysan dowladda cusub ee xisbiga shaqaalaha ee Boqortooyada Ingiriiska joojin qorshahaas, Boqortooyada Ingiriiska iyo Rwanda waxay saxiixeen heshiis ku saabsan in dadka magangalyo doonka ah ee laga soo tarxiilay Ingiriiska la geeyo Rwanda, taas oo hay’adaha xuquuqul insaanku ku  canbaareeyeen in ay tahay fal xad kabax iyo naxariis darro  ah.

Qorshahaas, oo la isku afgartay bishii Abriil 2022, ra'iisul wasaarihii xilligaas Boris Johnson, wuxuu doonayey in loo diro qof kasta oo ku soo galay Ingiriiska si sharci darro ah wixii ka dambeeyey 1-da Jannaayo 2022, loo tarxiilo dalka Rwanda oo ah waddan ka fog in ka badan 6,400 oo kiilomitir.

Hase yeeshee, duulimaadkii ugu horreeyay ee dib u celinta oo loo qorsheeyay Juun 2022, waxaa joojiyay garsooreyaasha Yurub. Kadib, Maxkamadda Sare ee UK waxay taageertay xukunkii hore ee sheegayay in nidaamkan uu yahay mid sharci darro ah, iyagoo tilmaamaya walaac la xiriira in muhaajiriinta dib loogu celin karo dalalkooda ama dalal kale oo ay halis ugu jiraan dhibaatayn.

Bishii Luulyo, Boqortooyada Ingiriiska waxay ku dhawaaqday inay joojin doonto adeegsiga doon ay ku haynayaan magangalyo doonka xeebta koonfureed ee Ingiriiska, taasoo qayb ka ah dib u habeynta nidaamka socdaalka.

“Doonta maxaabiista” waxay ahayd xuddun dood iyo muran dhalisay, waxaana laga daad gureeyay maxaabiista laba bilood oo kala ah bishii Agoosto 2023 kadib markii bakteeriyada legionella laga helay biyaha, iyo bishii Diseembar markii magan galyo doon Albenian ah maydkiisa laga helay doonta iyada oo la tuhmay in uu naftiisa khaarajiyey. 

Ilaa hadda, dadka magangalyo doonka ah ee ku nool waddanka UK waxay la kulmaan xaalado adag, iyadoo tirada dhimashada dadka magangalyo doonka ah ay laban laabantay sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay warbixin ka soo baxday The Guardian.

“ Nasiib xumo waxaa jira tusaalayaal tira badan oo ku saabsan dhibaatayn iyo is-khaarijin ah marka laga hadlayo magan galyo doonka UK,” Nicola David, aasaasaha One life to live, oo ah hay’ad fadhigeedu yahay UK, kana shaqaysa arrimaha la dagaalanka fikrada haybsooc ee la xariira qaxootiga ayaa sidaas u sheegay TRT world. 

“ Dadku halkan waxay yimaadaan iyaga oo dhibaatooyin maskaxiyan ah la soo kulmay, jidka ayay kusoo dhibatoodeen, halkan UK markay yimadaanna qaabka loola dhaqmayo ayaa maskaxiyan usii dhibaataynaya.”

Talyaaniga

Sannadkii 2023, iyadoo ay kordhayeen muhaajiriinta soo gaaraya Talyaaniga, dowladda Talyaaniga waxay qaadatay tallaabooyin adag si ay u kordhiso muddada xabsiga lagu haynayo soo galootiga iyo in muhaajiriinta  aan sharciga lahayn ay dib ugu noqdaan dalalkooda hooyo.

Iyadoo la raacayo shuruucda cusub, muhaajiriinta sugaya in dib loo celiyo waxaa lagu hayn doonaa xeryaha dadka laga masaafurinayo muddo ka bilaabata  lix bilood, lana kordhin karo ilaa 18 bilood, taas oo kordhinaysa xadka ah haynta saddexda bilood ee hadda jirta. Golaha Talyaaniga ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xorriyadda (CILD) ayaa si weyn u dhaleeceeyay xarumaha xabsiyada waxayna ku tilmaameen inay yihiin "godad madow" halkaas oo xadgudubyo halis ah oo xuquuqda aadanaha ah ay ka dhacaan.

Tan iyo 2017, Talyaanigu wuxuu qayb ka ahaa heshiis muran badan dhaliyay oo taageero ka helay Midowga Yurub oo lala galay dawladda Libya ee ay taageerto Qaramada Midoobay ee Tripoli. Qayb kamid ah heshiiskan, Talyaaniga ayaa siinaya tababar iyo maalgelin ilaalinta xeebaha Libya si looga hortago ka bixitaanka muhaajiriinta iyo dib u celinta kuwa horey badda ugu safray ee dib loogu celinayo Libya, halkaas oo ururada xuquuqda aadanaha ay sheegeen in lagu jirdilo oo lagu dhibaateeyo xarumaha dadka lagu hayo ee aan sharciyeysneyn.

Jarmalka

Bishii Sebtembar 9, Jarmalku wuxuu ku dhawaaqay qorshayaal lagu adkeynayo xuduudaha si loo yareeyo socdaalka aan tooska ahayn,  iyo in la dalka laga ilaaliyo "xagjirniinta Islaamiga ah". Nidaam cusub oo ay soo saareen dowladda ayaa u oggolaanaya booliiska inay si ku meel gaar ah u xiraan dadka magangalyo doonka ah ee horay ugu diiwaan gashanaa waddamada kale ee Midowga Yurub, iyadoo mas'uuliyiintu ay ka shaqeynayaan in si dhakhso ah loogu celiyo waddamadaas.

Bishii Juun, dowladda Jarmalka waxay soo bandhigtay shuruuc cusub oo lagu fududeynayo masaafurinta dadka shisheeyaha ah ee “si fagaare ah u taageera falalka argagixisanimo”. Marka loo eego sharcigan, hal farriin oo kaliya oo lagu baahiyo warbaahinta bulshada oo lagu taageerayo ama lagu dhiirigelinayo “fal argagixisanimo” waxaa loo arki karaa sababo lagugu masaafuriyo.

Tirakoobka dowladda ayaa muujinaya in codsiyada magangalyo doonka ee Jarmalka ay hoos u dhaceen boqolkiiba 21.7% siddeedii bilood ee ugu horreeyay ee 2024. Qiyaastii Midowga Yurub oo dhan, in ka badan 1.14 milyan oo codsiyo magangelyo ah ayaa la gudbiyay 2023, taas oo ah tiradii ugu badneyd tan iyo dhibaatadii qaxootiga ee 2016. Hase yeeshee, bilihii ugu dambeeyay, codsiyada magangalyo doonka ayaa hoos u dhacay, iyadoo bishii Maajo la arkay hoos u dhac saddex meelood meel marka loo eego sare u kacii xagaagii hore.

Xigasho: TRT World iyo wakaalado.


Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us