Waxaa xowli ku socda qorshe cusub oo dib loogu furayo waddooyinka muhiimka ah ee xiran gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo arrimo amni dartood hore loogu xiray.
Ujeedada qorshahan ayaa ah in meesha laga saaro culeyska iyo ciriiriga ay wajahayaan shacabka iyo gaadiidleyda. In kasta oo ay weli xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, oo gaadiidka loo diido inay maraan, haddana waxaa loo ogol yahay dadka lugeynaya oo keliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa sheegay in dhawaan la furi doono qaar ka mid ah waddooyinka xiran ee ku yaalla Muqdisho.
Gaar ahaan, wuxuu xusay in la furi doono waddooyinka aan khatarta amni lahayn, si loo fududeeyo isku socodka dadka iyo gaadiidka. Wuxuu sidoo kale bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan hay’adaha amniga.
Muungaab ayaa intaasi ku daray in maamulka gobolka ay ka go’an tahay in canshuurta laga qaado shacabka lagu hormariyo adeegyada bulshada iyo dib u dhiska kaabayaasha muhiimka u ah nolosha magaalada.
Sida ku xusan qorshaha, Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa horey kulan ula qaatay guddiga loo xilsaaray in ay xal ka gaaraan saxmadda waddooyinka Muqdisho.
Guddigan oo ka kooban hay’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Federaalka, ayaa wasiirka u soo bandhigay dhibaatooyinka ka dhasha ciriiriga gaadiidka. Waxay sidoo kale soo jeediyeen sidii qiimeyn rasmi ah loogu sameyn lahaa waddooyinka xiran si dib loogu furo.
Wasiirku wuxuu faray guddigan in ay si degdeg ah u bilaabaan howlaha, islamarkaasna soo diyaariyaan qorshe lagala soo tashaday hay’adaha amniga, gaadiidka, iyo maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qorshahan dib loogu furayo waddooyinka xiran ayaa imaanaya iyadoo muddo dhowr sano ah ay xiran yihiin waddooyinka loo yaqaanno Jid cadayaasha Muqdisho oo ay ku go’an yihiin dhagaxyo waaweyn.
Tallaabadaasi horay, dowladda waxay sheegtay in ay la xiriirto sidii loo xaqiijin lahaa Amniga guud ee magaalada. Waxaa la sugayaa natiijada ka soo baxda qorshahaan si loo fududeeyo isu socodka shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga.