CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo guul dhaqaale ka gaartay la dagaalanka Al-Shabaab
Sida ku cad warbixinta Xeer-Ilaaliyaha, waxaa la fatashay in ka badan 3,500 oo akoon, taas oo keentay in la xayiro lacag gaaraysa Hal Milyan oo Doolar.
Dowladda Soomaaliya oo guul dhaqaale ka gaartay la dagaalanka Al-Shabaab
Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Sulayman Mohamed. / User Upload
6 Agoosto 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul weyn ka sheegatay dagaalka ay kula jirto Kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, ka dib markii Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu soo saaray warbixin faahfaahsan.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si weyn u bogaadisay tallaabada Xafiiska, kuna tilmaamtay inay qayb ka tahay dagaalka istiraatiijiga ah ee lagu burburinayo awoodaha argagixisada.

Warbixinta lagu faahfaahiyay guulaha la gaaray ayaa lagu sheegay in Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha uu gacanta ku hayo in ka badan 250 kiis oo la xiriira lacag-dhaqid iyo maalgelin argagixiso. Baaritaan ballaaran oo socday ayaa horseeday in la burburiyo shabakado maaliyadeed oo ay kooxuhu u adeegsan jireen dhaca hantida shacabka.

Sida ku cad warbixinta Xeer-Ilaaliyaha, waxaa la fatashay in ka badan 3,500 oo akoon, taas oo keentay in la xayiro lacag gaaraysa Hal Milyan oo Doolar.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid si weyn u wiiqday halbowlayaasha dhaqaale ee Al-Shabaab. Waxaa intaas dheer, in dowladda si rasmi ah loogu wareejiyay ku dhawaad nus milyan doolar oo ku jirtay akoonnada argagixisada.

Dhinaca caddaaladda, Xafiiska Xeer-Ialiyaha Guud wuxuu xaqiijiyay in la xukumay in ka badan 13 dembiile oo lagu helay lacag-dhaqid iyo maalgelin argagixiso. Sidoo kale, waxaa la eedeeyay in ka badan 50 kiis, iyadoo lala shaqaynayo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL si loo soo qabto qaar ka mid ah eedaysanayaasha dibadda ku maqan.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay ku ammaantay dhammaan hay’adaha dowladda doorka firfircoon iyo sida ay u garab taagan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo mar kale lagu celiyay in dagaalka Khawaarijta uusan ahayn kaliya mid lagu qaaday qori iyo ciidan, balse uu yahay mid dhan walba ah.

Ugu dambayn, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha wuxuu ugu baaqay ganacsatada iyo hay'adaha maaliyadeed inay u hoggaansamaan shuruucda, isagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan hay'adaha amniga si loo wada ciribtiro awoodaha dhaqaale ee argagixisada.

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us