GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Raysal Wasaaraha Senegal Ousmane Sonko oo booqasho rasmi ah ku imanaya Turkiga
Booqashadan ayaa looga golleeyahay in la adkeeyo xiriirka labada dal ee dhinacyo badan leh.
Raysal Wasaaraha Senegal Ousmane Sonko oo booqasho rasmi ah ku imanaya Turkiga
Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Senegal, Ousmane Sonko. / AFP
6 Agoosto 2025

Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Senegal, Ousmane Sonko, ayaa booqasho rasmi ah ku imanaya dalka Turkiga, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Booqashadan, oo socon doonta inta u dhaxaysa Agoosto 6-11, 2025, ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka qotadadheer ee ka dhexeeya labada dal, kaas oo soo bilowday ilaa sannadkii 1964-kii.

Sida uu shaaciyay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, kulanka Raysal Wasaare Sonko iyo Madaxweyne Erdoğan ayaa dhici doona Khamiista, 7 Agoosto.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer looga wada-hadli doonaa xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo diiradda la saarayo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah.

Waxaa sidoo kale la isku dhaafsan doonaa aragtiyaha ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Booqashada Raysal Wasaare Sonko ayaa muhiimad gaar ah u leh Senegal, maadaama ay ku soo aadayso kadib markii dalkaas uu soo bandhigay qorshahooda dib u kabashada dhaqaalaha iyo bulshada ee "Vision Sénégal 2050".

Inta lagu guda jiro booqashada, waxaa la filayaa in la saxiixo heshiisyo kala duwan oo lagu xoojinayo hannaanka sharciga ah ee xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Senegal.

Heshiisyadan ayaa la filayaa inay daboolaan qaybo muhiim ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada, iyo duulimaadka hawada.

Sannadihii la soo dhaafay, iskaashiga labada dal waxa uu horseeday mashaariic waaweyn oo ka hirgalay Senegal, sida dhismaha Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Diamniadio, garoonka diyaaradaha ee Blaise Diagne, iyo garoonka ciyaaraha ee Dakar Arena.

Ujeeddada ugu weyn ee booqashadan ayaa ah in la sii horumariyo iskaashiga labada dal oo xubno ka wada ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

XIGASHO:TRT SOMALI
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us