Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Khamiisti ansixiyey hindise sharciyeed muhiim ah oo ku saabsan la-dagaallanka dambiyada saybarka (cybercrime), iyadoo ay taasi ku soo beegantay xilli ay dowladda dardargelisay xiritaanka warbaahinta iyo baraha internetka ee kooxda Al-Shabaab.
Sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, sharcigan cusub, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, ayaa diiradda saarayaa ilaalinta sirta, bedqabka iyo amniga nidaamyada kombiyuutarka iyo shabakadaha, si looga hortago isticmaalka sharci-darrada ah ee internetka.
Ujeeddada sharcigan ayaa ah in la awoodo ogaanshaha, baaritaanka, dacwad ku oogidda iyo ciqaabidda dadka ku lugta leh dambiyada internetka.
Ansixinta sharcigan ayaa timid, xilli hore ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay xiritaanka in ka badan 30 website iyo kumanaan bogag ah oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen baraha bulshada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in intii uu socday hawlgalkani lagu gacanta ku dhigay xog muhiim ah iyo raadka shaqsiyaad badan oo ku lug lahaa hawlaha barahan, oo ay ka mid yihiin kuwa maareeya iyo kuwa dhaqaalaha ku bixiya.
Xogtan ayaa la filayaa in ay sahli doonto in sharciga la horgeeyo dembiilayaasha ka tirsan Al-Shabaab ee u adeegsan jiray mareegahan falalka argagixisada iyo marin habaabinta.
Hay’adaha dowladda ee u xilsaaran burburinta baraha internetka ee Al-Shabaab ayaa rajo ka muujiyay in ay dhawaan gacanta ku dhigaan mareegooyin kale oo muhiim ah oo ay kooxdu ku faafiso falal dembiyeedka.
Kulanka golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo guulaha ay ciidamada qalabka sida ka gaarayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.