Saddex goobood oo ka tirsan qaaradda Afrika ayaa Axaddii lagu daray Liiska Goobaha Dhaxalka Adduunka ee UNESCO intii lagu guda jiray Kalfadhiga 47aad ee Guddiga Dhaxalka Adduunka oo ka dhacay magaalada Paris, Faransiiska.
Buurta Mulanje ee dalka Malawi, oo dadka deegaanka u haystaan meel Ilaahyo iyo ruuxyo quduus ah ay ku suganyihiin, isla markaana caan ku ah dhirta u gaar ah iyo jidad badan oo lagu socdo, ayaa ka mid ahayd goobaha cusub ee liiska lagu daray.
Waqooyiga Cameroon, deegaan dhaqameedka Diy-Gid-Biy ee ku yaalla Buuraha Mandara, oo lagu qiyaasay in la sameeyey intii u dhaxaysa qarnigii 12aad ilaa 17aad, kuna jiraan goobaha qadiimiga ah, beero iyo goobo diimeed, ayaa isna liiska lagu daray.
Jaziiradaha Bijagos ee Guinea-Bissau, oo ka kooban 88 jasiiradood iyo jasiirad yar-yar, kuna fidsan 12,950 kiiloomitir oo laba jibbaaran (5,000 mayl laba jibbaaran), ayaa sidoo kale liiska lagu daray.
Jaziiradahan, oo ay ku nool yihiin qowmiyadda matriarchal Bijago ee caanka ku ah caqiidadooda ruuxaaniga ah iyo in dumarku yihiin hoggaanka bulshada, ayaa noqday goobtii ugu horreysay ee dalkaasi laga diiwaangeliyo Liiska Dhaxalka Adduunka.
Kaliya 30,000 oo qof ayaa ku nool 20 ka mid ah jaziiradahaasi, kuwaas oo sidoo kale ah deegaan muhiim u ah in ka badan 870,000 oo ah shimbiraha socdaala.
Dhanka kale, dhowr goobood oo Afrikaan ah ayaa laga saaray Liiska Goobaha Dhaxalka Adduunka ee Halista ku jira.
Goobahaas waxaa ka mid ah Kaymaha Roobka ee Atsinanana ee dalka Madagascar, goobta dhaxalka ee Abu Mena ee Masar, iyo magaalada qadiimiga ah ee Ghadames ee dalka Liibiya.
Inkasta oo Afrika ay tahay qaaradda labaad ee ugu weyn caalamka, haddana waxay martigelisaa kaliya 9% goobaha ku jira Liiska Dhaxalka Adduunka, halka ku dhowaad rubuc ka mid ah goobaha ku jira liiska halista ay ku yaallaan qaaraddaas.