W/Q: Yusuf Kamadan
Toddobaadkan, Turkigu wuxuu martigeliyay saddex dhacdo oo diblomaasiyadeed oo aad u muhiim ah: wadahadallada nabadeed ee u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, shir madaxeedka NATO, iyo wada-xaajoodyada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
In shirar kala duwan oo culus sidaan oo kale ah ay dhammaantood ka dhacaan Turkiga ma aha wax iska yimid. Sida ay falanqeeyayaashu sheegayaan, arrintani waxay muujinaysaa isbeddelka qaabka siyaasadda dibadda ee Turkiga, taasoo noqotay mid cad, dhex-dhexaad ah, isla markaana si isa soo taraysa uga dhex muuqata arrimaha caalamiga ah.
Sanado badan, Turkigu wuxuu si taxaddar leh isu dhex taagay Bariga iyo Galbeedka, isaga oo ka faa’iideysanaya juqraafi ahaan meesha uu ku yaallo iyo siyaasad ahaan dabacsanaantiisa si uu u noqdo dhexdhexaadiye.
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in iswaafajinta dadaalladan diblomaasiyadeed ee muhiimka ah todobaad gudaheed aysan kaliya muujinayn qiimaha juqraafiyeed ee Ankara, balse sidoo kale ay tilmaamayso kobaca saameynta Turkiga oo noqday xubin lagu kalsoonaan karo oo saameyn ku leh masraxa siyaasadda adduunka.
Kalsooni darro dunida ka jirta, iyo fursadda Turkiga
Miisaanka sii kordhaya ee diblomaasiyadda Ankara waxaa sal u ah arrin soo shaacbaxday tan iyo intii uu billowday faafitaanka cudurka COVID-19: oo ahaa burburka kalsoonida u dhexeeysa dawladaha.
Sida uu sheegay Gurkan Demir, oo ka tirsan Machadka Cilmi-baarista Turkiga (Türkiye Research Foundation), “Dawladaha ayaa si isa soo taraysa ula tacaalayay dhibaato kalsooniyeed, taas oo bilaabatay xilligii cudurka COVID-19, waxaana sii xumeeyay dagaalka Ruushka iyo Yukrayn.”
Xaqiiqdii, intii lagu jiray bilowgii faafitaanka cudurka, caawimaaddii caafimaad ee Turkigu u diray dalal u baahnaa ayaa si cad uga duway wararkii sheegayay in dawladaha qaar ee Yurub ay la wareegeen qalab caafimaad oo loogu talagalay dalal deris ah. Xilligaasi wuxuu noqday astaan muujinaysa anshaxa diblomaasiyadeed ee Turkiga—kaasoo markaa ka dib noqday tiir ka mid ah siyaasaddiisa arrimaha dibadda.
Demir wuxuu sharraxayaa in hab-dhaqanka gaarka ah ee Turkiga uu si joogto ah uga muuqday khilaafaadyadii xigay: laga bilaabo dhisidda marinno bani’aadantinimo intii uu socday dagaalka Ruushka iyo Yukrayn, kaalinta muhiimka ah ee uu ka qaatay heshiiskii badbaadada dhanka badarka adduunka, ilaa taageerada bani’aadantinimo ee joogtada ah ee uu u fidiyay Qaza xilli uu socdo weerarka Israa’iil.
“Turkigu wuxuu qaaday tallaabooyin nabadeed, wuxuuna gargaar bani’aadanimo u fidiyay Qaza xilli Israa’iil ay ka wadday xasuuq ay dad badan u arkaan inuu yahay mid lagu tilmaami karo ‘dabargoyn,” ayuu yiri Demir. “Masraxa caalamka, Turkigu wuxuu noqday codka Qaza.”
Isla anshaxaas ku dhisan mabda’a ayaa hagayay dadaallada diblomaasiyadeed ee Turkiga ee Suuriya, Liibiya, Karabakh, Balkaan-ka, iyo xitaa is-mariwaagii u dhexeeyay Hindiya iyo Pakistan ee dhawaan dhacay. Haddaba natiijadu maxay noqotay? Siyaasad dibadeed leh aqoonsi u gaar ah—deggan, wax-qabad leh, ayaa Turkiga ka dhigtay mid ka duwan siyaasadaha caalamka ee aan la saadaalin karin.
Martigelinta: Madal wada-hadal
Iyadoo toddobaadkan Turkigu martigelinayo shir saddex geesood ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, wuxuu mar kale isu muujinayaa inuu yahay madal lagu qabto wada-hadallo khilaaf adag oo aan xal u muuqan.
Inkasta oo ay jiraan cunaqabatayno reer Galbeedku saareen iyo dagaal weli socda oo ka jira jiidaha hore, haddana Ankara waxay xiriir furan la leedahay labadoodaba, Kiev iyo Moscow. Xaqiiqdii, Turkigu waa mid ka mid ah waddamada xubnaha ka ah NATO ee weli xiriir toos ah la leh madaxda Kremlin-ka, taasoo siinaysa fursad uu dhex-dhexaad ku noqdo marka kuwa kale aysan awoodin.
Dr. Ayhan Sari, oo bare ka ah Jaamacadda Turkish-German University, ayaa yiri “Si aan u fahamno sababta Turkigu uu muhiim ugu noqday wadahadalladan, waa in aan eegnaa raadraaca diblomaasiyadeed ee dhowaanahan — laga bilaabo Suuriya ilaa Karabakh, Liibiya ilaa Bariga Badda Mediterranean-ka, dagaalka Ruushka iyo Yukrayn ilaa siyaasadaha isballaarinta ee Israa’iil ku waddo gobolka iyada oo isku fidinaysa dhulka Falastiin.”
Sari waxaa uu ku doodayaa in waxa Turkiga ka soocaya dalalka kale aysan ahayn oo kaliya in uu ilaaliyo sharciga caalamiga ah, balse waa daahfurnaan iyo daacadnimo aan caadi ahayn.
“Turkigu wuxuu kasbaday sumcad ah inuu yahay waddan fur-furan, daahfuran, oo daacad ah marka uu la macaamilayo dhinacyada kala duwan — isagoo si toos ah ula hadlaya dhammaan dhinacyada, isaga oo aan u marin siyaasado qarsoon ama qorshayaal qarsoon. Habkani wuxuu Turkiga ka dhigay mid ay kalsooni ku qabaan dhinacyo badan oo is haya.”
Wadahadallada socda ayaa lagu doonayaa in dib loogu furo marinno bani’aadamnimo, dibna loogu bilaabo dhoofinta badarka, sidoo kale waxaa la rajaynayaa in la gaaro xabbad-joojin 30 maalmood ah — arrintaas oo saraakiisha Turkigu ku tilmaameen “isbeddel weyn oo suurtagal ah.” Haddii lagu guuleysto, waxay noqon doontaa guusha diblomaasiyadeed ee ugu weyn Turkiga tan iyo heshiiskii badarka ee 2022-kii.
NATO iyo ciyaarta miisaanka istaraatiijiyadeed
Isla waqtigaas, Turkigu wuxuu sidoo kale martigeliyay shir aan rasmi ahayn oo heer sare ah oo ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha dibadda ee NATO, kaas oo ka dhacay magaalada loo dalxiis tago ee Antalya, iyadoo ay jiraan khilaafaad gudaha ah oo ka dhex jira isbahaysiga iyo weydiimo caalami ah oo ku saabsan istaraatiijiyadda fog ee NATO.
Xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo NATO had iyo jeer wuxuu ahaa mid adag—waxaana sal u ah dano amni oo la wadaago, balse marar badan waxaa wiiqay go’aamada madax-bannaan ee Ankara ee siyaasadda arrimaha dibadda.
Sanadihii u dambeeyay, Turkigu iyo NATO ayaa iskugu dhacay arrimo ay ka mid yihiin taageerada dalal reer galbeed ah ay siiyeen kooxaha PKK/YPG ee argagixisada loo aqoonsan yahay ee Suuriya, iyo codsiga xubinnimada ee Sweden. Si kastaba ha ahaatee, Turkigu weli wuxuu ka mid yahay waddamada ugu awoodda badan dhanka milateriga ee isbahaysiga, wuxuuna muhiim u yahay difaaca xuduudda koonfureed ee NATO.
Ankara oo fududaysay wada-hadalka xubnaha isbahaysiga iyo martigelinta shirkan toddobaadkan, falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in inkastoo uu jiro is-marinwaa, haddana ay cadahay in Turkigu yahay xubin lama huraan u ah NATO. Xaqiiqdii, siyaasad-juqraafiyeedkiisa ayaa wuxuu siinayaa fursad uu ku dhex xallin karo khilaafaadka ka dhex jira isbahaysiga iyo sidoo kale kuwa xiriirka lala yeesho quwadaha dibadda.
“Isku-dheelitirka iyo joogtaynta siyaasadda dibadda ee Ankara ayaa kaalin weyn ka qaadatay kalsoonida ay kasbatay iyo miisaanka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya,” ayuu yiri Dr. Ayhan Sari.
“Xitaa dalalka uu Turkigu khilaafaad xooggani kala dhexeeyey ama uu loollan la galay, Ankara waxay awooday inay sii ilaaliso marinno xiriir oo rasmi ah oo nidaamsan.”
Joogtayntan ayaa Ankara u ogolaatay inay noqoto “isku-xire” diblomaasiyadeed—iyadoo si isku mid ah ula macaamileysa NATO, Ruushka, iyo quwadaha aan reer galbeedka ahayn sida Iiraan iyo Shiinaha.
Wadahadallada Nukliyeerka Iiraan: Dhexdhexaadin Xasaasi ah
Waxaa sidoo kale ka socday Ankara wada-xaajoodyo aan rasmi ahayn oo ku saabsan dib u soo noolaynta Heshiiskii Wadajirka ahaa ee Nukliyeerka (JCPOA), oo si guud loo yaqaan heshiiska nukliyeerka Iiraan. Inkastoo wada-hadallada rasmiga ah ay hakad ku jiraan, dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ayaa si isdaba-joog ah ugu kala dab-qaaday wufuudda reer Galbeedka iyo Iiraan.
Culayska arrintan wuu weyn yahay. Barnaamijka kobcinta nukliyeerka Iiraan wuu socdaa, gobolka ayaana halis ugu jira in xiisaddu sare u kacdo. Laakiin waddooyinkii diblomaasiyadeed ee rasmiga ahaa ee u dhexeeyay Tehran iyo Washington waa kuwo gabi ahaanba xirmay—tani waa mid ka mid ah natiijooyinka ka dhashay kalsoonida caalamiga ah ee burburtay.
Xaaladdan oo kale, awoodda Turkiga ee ah inuu la falgalo labada dhinac waxay noqonaysaa mid aad muhiim u ah. “Iiraan iyo Mareykanka, ama Iiraan iyo Israa’iil toona isma aaminaan, xataa inay miis wada fariistaan,” ayuu yiri Dr. Ayhan Sari.
“Balse Turkiga, labada dhinacba waxay u arkaan wakiil lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah, taasoo siinaysa maqaam gaar ah oo uu kaga qayb qaato wada-hadallo xasaasi ah oo noocan ah.”
Doorkan ma aha oo kaliya xeelad siyaasadeed, balse wuxuu ka tarjumayaa aragti istiraatiiji ah oo qoto dheer. Turkiga, xasilloonida gobolka uma aha guul diblomaasiyadeed oo keliya; ee waa waajib qaran. Turkigu wuxuu xuduud la leeyahay Iiraan, Suuriya, Ciraaq, iyo Kafkaasya—oo dhamaan ah goobo ay ka jiraan khilaafaad iyo degganaansho la’aan. In nabad laga helo gobolladan waxay muhiim u tahay ammaanka iyo kobaca dhaqaalaha Turkiga laftiisa.
Aragtida Istaraatiijiyadeed ee Ankara
“Maxaa Turkiga ku kallifaya inuu sidaan yeelo?” ayuu Gurkan Demir is weydiinayaa. “Turkigu wuxuu doonayaa inuu xasillooni ka abuuro deegaankiisa dhow iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri.
Kadib duullaankii Mareykanka ee Ciraaq sanadkii 2003 iyo qalalaasihii ka dhashay Kacdoonnadii Carabta, xuduudaha Turkiga waxaa hareeyay hubanti la’aan iyo khataro joogto ah. Sidaas darteed, firfircoonida diblomaasiyadeed ee Ankara ee hadda ma aha muujin ku eg masraxa caalamka— ee waa dadaal qorsheysan oo lagu doonayo in lagu dhiso nidaam goboleed deggan, aan rabshado badnayn, oo u munaasib u ah danaha fog ee Turkiga.
Isbeddelkani sidoo kale waa mid nidaam. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Turkigu wuxuu kordhiyay safaaradihiisa iyo qunsuliyadihiisa dibadda, wuxuu xoojiyay awooddiisa saameynta damacsan (soft power), sida gargaarka horumarineed iyo faafinta dhaqankiisa, wuxuuna kor u qaaday wax-soo-saarkiisa dhanka difaaca. Wuxuu ka soo muuqday doorar kala duwan, sida: dhexdhexaadiye, hawl-wadeen bani’aadanimo, iyo saaxiib amni— oo dhammaan xoojiyey booska uu maanta caalamka ka joogo.
“Xirfadda uu Turkigu u leeyahay inuu kala dhex galo rabshadaha caalamka, oo ay weheliso awoodiisa dhaqaale, milatari, iyo diblomaasiyadeed ee sii kobcaysa, waxay muujinaysaa inuu si tartiib ah u noqonayo awood caalami ah,” ayuu yiri Dr. Sari. “Tani waxay ka tarjumaysaa halka uu Turkigu maanta marayo marka la eego horumarkiisa dhowaanahan.”
Laga bilaabo doorka tooska ah ee Madaxweyne Erdogan ku leeyahay wadahadallada ugu culus, ilaa iyo fahamka madaxda caalamka ee ah in magaalada Istanbul ay maanta tahay goob sharaf leh oo lagu qabto wadahadallada heerka sare ah, soo ifbaxa Turkiga ee uu ku noqday lafdhabarka diblomaasiyadda caalamka waa mid aan la inkiri karin.