TURKIGA
4 daqiiqo akhris
Warqaddii Qaza ee Emine Erdogan u dirtay Melania Trump oo warbaahinta caalamka si weyn uga guuxday
Warqaddii ay Marwada Koowaad ee Turkiga u dirtay Melania Trump ee ku saabsan Qaza oo si weyn uga dhex guuxday warbaahinta caalamka
Warqaddii Qaza ee Emine Erdogan u dirtay Melania Trump oo warbaahinta caalamka si weyn uga guuxday
Marwada Turkiga Emine Erdogan ayaa Melania Trump ugu baaqday inay u hadasho carruurta ku dhibaataysan dagaalka Qaza, ayna noqoto codkooda. / AA
25 Agoosto 2025

Marwada koowaad ee Turkiga, Emine Erdogan, ayaa ku borisay Marwada koowaad ee Maraykenka, Melania Trump, inay ka hadasho caruurta ku dhibaataysan dagaalka Israa'iil ee Qaza.

Emine waxay ammaantay taageerada ay Melania u fidisay caruurta ay saameysay duullaanka buuxa ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, iyadoo ka codsatay inay "kordhiso u qareemida" carruurta Falastiiniyiinta.

Warqad ay daabacday madaxtooyada Turkiga, Emine Erdogan waxay ku sheegtay in Qaza ay noqotay "xabaalaha caruurta," iyadoo Melania ku boorisay "Inaan u midayno codkeenna iyo xooggeenna ka hortagga caddaalad-darradan."

Baaqan ayaa imaanaya xilli khubaro ku takhasustay amniga cuntada oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen in nus milyan qof ay la ildaran yihiin macluul, halka in ka badan 132,000 oo caruur ah naftooda ay halis ugu jirto nafaqo-darro.

Warqadda, Emine Erdogan waxay carabka ku adkaysay xaaladda ba'an ee Qaza, iyadoo tixraacaysa warbixinno sheegaya in 18,000 oo caruur ah iyo 62,000 oo qof oo rayid ah lagu dilay wax ka yar labo sano gudahood.

Waxay si gaar ah u xustay in oraahda "ilmo aan la garanayn" oo lagu qoray marooyinka kafanta u ah kumanaan carruur ah ay "damiirkeena ku furayso dhaawacyo aan laga soo kaban karin."

Waxay ku boorisay Melania inay naxariisteeda gaarsiiso caruurta Falastiiniyiinta ayna ka codsato Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, sidii loo soo afjari lahaa musiibada bani'aadantinimo ee ka jirta Qaza.

Boqortooyada Midowday

Telefishinka BBC ayaa warqadda Emine Erdogan ku baahiyay bartiisa X, oo ay ku xiran yihiin ku dhawaad 50 milyan oo qof, iyo bartiisa Instagram oo ay ku taxan yihiin 29.4 milyan oo qof.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa warbixinteeda u adeegsatay ciwaanka "Marwada koowaad ee Turkiga oo ku boorisay Melania Trump inay ka hadasho arrinta Qaza."

Sida laga soo xigtay telefishinka Ingiriiska ee Sky News, Erdogan waxay warqad u qortay Melania iyadoo ka codsanaysa inay muujiso walaac la mid ah kan ay u hayso caruurta Qaza sida ay ugu hayso caruurta Ukraine.

Faransiiska

Joornaalka Faransiiska ee Le Point, ayaa warbixin uu ciwaan uga dhigay "Waa inaan codkeenna midaynaa: Emine Erdogan oo Melania Trump ugu baaqday inay taageerto caruurta Qaza," ku sheegay in Erdogan ay ka codsatay Melania inay kala kulanto Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, arrimaha caruurta Qaza.

Wargeyska Faransiiska ee Le Figaro, ayaa soo qaatay qaybtan ka mid ahayd warqadda: "Hooyo ahaan, dumar ahaan, iyo bani'aadam ahaan, waxaan si qoto dheer ula wadaagayaa dareenka ku jira warqaddaada, waxaanan kuu rajaynayaa inaad rajo la mid ah u abuurto carruurta Qaza ee u ooman nabadda iyo xasilloonida."

Jarmalka

Bogga wararka online-ka ee Jarmalka ee NTV ayaa warbixin ku daabacay ciwaanka "Xaaska Erdogan oo warqad qiiro leh u qortay Trump".

Bulgaria, Giriigga, iyo Switzerland

Telefishinka bTV ee Bulgaria, wargeyska EFSYN ee Giriigga iyo wargeyska 20 Minuten ee Switzerland ayaa dhammaantood si weyn u tebiyay warka, iyagoo xoogga saaray baaqa Emine Erdogan ee ahaa in la badbaadiyo caruurta Qaza.

Belgium, Czech Republic, Bosnia iyo Herzegovina, Serbia iyo Montenegro

Warbaahinta dalalkan ayaa sidoo kale si weyn u daabacday wararka, iyagoo si gaar ah u xusaya in Erdogan ay ka codsatay Melania inay u muujiso dareen la mid ah kii ay u muujisay caruurta Ukraine.

Australia, Malaysia, Singapore iyo Bangladesh

Warbaahinta 9News ee Australia, Free Malaysia Today ee Malaysia, The Straits Times ee Singapore, iyo wakaaladda wararka rasmiga ah ee Bangladesh ee BSS ayaa dhammaantood si ballaaran uga hadlay nuxurka warqadda.

Pakistan, India iyo Japan

Wargeysyada ugu akhriska badan Pakistan ee Dawn, The Times of India, iyo Japan Today ayaa sidoo kale si weyn u tebiyay warka.

Bariga Dhexe

Warqadda Emine Erdogan ayaa si weyn looga tebiyay warbaahinta waddamada Bariga Dhexe. Telefishinnada Al Jazeera ee Qatar, wargeyska Sharq Al-Awsat ee Sacuudiga, iyo telefishinka Sky News Arabia ee Imaaraadka Carabta ayaa si qoto dheer uga hadlay arrinta.

Israa'iil

Wargeyska Israa'iil ee Maariv ayaa ciwaan uga dhigay "Laga soo bilaabo xaaska Erdogan ilaa xaaska Madaxweynaha Aqalka Cad: Caddaadis saara Netanyahu." Sidoo kale wargeyska Yedioth Ahronot ayaa cinwaan ka dhigay “Xaaska Erdogan oo ku tiri Melania: Warqad u dir Netanyahu sidoo kale".

Falastiin, Masar, iyo Lubnaan

Wargeysyada Falastiiniyiinta, telefishannada Masar, iyo warbaahinta Lubnaan ayaa si weyn uga hadlay warqadda, iyagoo soo xiganaya hadalka Emine Erdogan ee ahaa in "caruurta Qaza laga xaaraantimeeyay xitaa xuquuqdooda aasaasiga ah."

Iiraan

Warbaahinta Iiraan waxay si guud u sawireen Erdogan inay Trump xusuusinayso inay u damqato dhibaatada bani'aadanimo ee Qaza, sida ay ugu damqatay Ukraine. Wakaaladda wararka rasmiga ah ee IRNA ayaa warbixinta u gudbisay macaamiisheeda iyadoo ciwaan uga dhigtay "Xaaska Erdogan oo ku tiri Melania Trump: 'Caruurta Qaza waxay u qalmaan farxad sida caruurta Ukraine oo kale'".

Ruushka, Azerbaijan, iyo Kazakhstan

Wakaaladda wararka ee Ruushka ee TASS, wakaaladda RIA, wargeysyada Kommersant iyo Izvestiya ayaa si faahfaahsan u tebiyay warka. Sidoo kale, warbaahinta Qafqazinfo ee Azerbaijan iyo Kazinform ee Kazakhstan ayaa daabacay warbixinno ku saabsan warqadda.

XIGASHO:TRT World and Agencies
Daalaco TRT Global. Nala wadaag aragtidaada!
Contact us